Mas’uuliyiinta wasaaradda Gar-gaarka XFS oo isbitaalada ku booqday dhaawacyadii shalay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ujeedka kormeerkan mas’uuliyiinta wasaaradda Gargaarka ayaa ahaa sidii ay u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay,si loo ogaado baahiyaha kala duwan oo ay qabaan, islamarkaanna ay dowladda Soomaaliya uga geysato kaalinteeda garab istaaga dadkaasi.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo mas’uuliyiin uu horkacayay ayaa tagay Cisbitaalada Madiina, Ordugan iyo Shaafi,waxaana ay warbixino ka dhageysteen maamulada xarumahaasi Caafimaad, iyagoo weydiinayay xog ku saabsan sida ay kala yihiin xaaladda bukaanada.

Mukhtaar Sheekh Xuseen agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka iyo maareynta iyo musiibooyinka Soomaaliya ayaa ugu horeyn faah faahiyay waxyaabihii ay la kulmeen,wuxuuna xusay in xogta marka ay soo dhammeystiraan ay u gudbin doonaan Hay’adaha dowladda ee u qaabilsan si loogu gar gaaro.

Ku-simaha Wasiirka Gar-gaarka ahna Wasiir ku-xigeenka gargaarka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xasan ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay gar gaar u fidinayso dadka xaaladooda ay culus tahay.

β€œWaxaan wadnay ilaa saaka shaqo taasi oo aan ugu gar gaareyna dadkii ku dhaawacmay qaraxii,anagoo ah wasaaradda Gargaarka mas’uuliyiinteeda iyo shaqaalaha,waxaan tagnay isbitaalada,Madiina,Digfeer,Shaafi iyo meelo kale,waxaa noloo sheegay in lala tacaalay bukaanada,wixii intaasi dheer oo wax loo qaban karina waxaa caafimaad dibadda ah u qaadaysa dowladda Soomaaliya,taasi oo uu horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale ra”iiusl wasaare Khayre,”. Ayuu yiri wasiir ku-xigeenka gargaarka.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaardda Gargaarka ayaa ka qeyb qaatay dhiig shubidda lagu caawinayay bukaanada,Dad badan oo shacab ah ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen goobo ganacsi shacab uu lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha...