Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska

Date:

Muqdisho (SNTV):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka qeybgalay furitaanka Shirka #COP16 oo ka furmay Riyadh.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija...

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo doortay guddoon cusub

-Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Mahdi Guuleed “Saaka waxaan goob joog u nahay doorashada Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka “

Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub...

Askar kale oo katirsanaa jubbaland oo ku biiray howlgalka Ciidanka XDS ee Raaskambooni

Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar...