Home Blog Page 1087

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey Xal u helida Mushkiladaha dunida”Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxakamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Luckow ee dalka India kaga qeyb-galay kulan looga hadlayay xal u helida mushkiladaha dunida sida argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Kulankaan ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka waxaa ku wehlinayo Garsooreyaal Maxkamadda ka tirsan iyo Masuuliyiin kale.

Inta uu socdo kulankaan ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa siddii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha dunida ka taagan oo ay ugu weyn yihiin argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Sidoo kale Kulankaani ayaa wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay shirka 19aad ee Caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka oo ka socda magaalada Luckow ee dalka India.

Shaqaallaha Guddiga la-socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Tababar loo furay

Muqdisho (SNTV)- Shaqaallaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS ayaa tababar maanta uga furmay  xarunta guddiga ee magaaladda Muqdisho.

Tababarkaan ayaa waxa uu socon doonaa Muddo labo maalin ah, waxaana Shaqaallaha lagu bari doonaa Qaabka guddiga uu u shaqeeyo iyo Qorshaha guddiga horyaalla ee u baahan in si dardar ah loo qabto.

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS Sen. Abdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa furay tababbarkaan, waxaana shaqaallaha uu kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaan.

Sen. Qeyb-diid ayaa xusay in guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS laga sugayo howlo culus, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay in si xowli ah howlahaasi loo qabto.

i8i

Wasiiro ka tirsan XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo afjarayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda Ummadda

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diriye  ayaa ka qeyb galay  munaasabad lagu soo gabogabeynayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda ummadda.

Tartanka horyaalka ardayda jaamacada ummadda oo ahaa mid lagu maamuusaya alle ha u naxariistee Parafasoorkii ugu horeyay jaamacadda ummda shariif saalax.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleystay ardeyda dhigata kuliyadda waxbarashada halka kaalinta labaad ay galeen ardeyda dhigata qeybta sharciga.

Sagaal kuliyadood oo ka mid ah jaamacadda Ummadda ayaa ka qeyb galay tartankan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tartanka lagu maamusayay allaha unaxariiste Prof Shariif Saalax.

“Haddan nahay wasaaradda waxbarashada sharaf weyn ayay noo tahay,waxaan umahad celinaya wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo dadaal ugu jirta soo nooleyta isboortiga islamarkana guul badan ka gaartay mudadii ayjoogtay wasaaraddan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha  Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diriye ayaa  guul ku tilmaamtay tartanka islamarkana qiimo weyn ugu fadhiyo bahda waxbarashada oo ugu horeeyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

“Tartanka horyaalka ardayda jamacada ummadda waxa uu ahaa mid laga maamusay parafasoorkii  ugu horeyay jaamacadda Shariif Saalax alle ha u naxariistee dhamaan bahda waxbarashada oo uu ugu horeyo wasiirka wasaaradda waxbarashada waxa ay u tahay guul iyo horumar guud ahaan isboortiga dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaana bahda waxbarashada oo aan kawasaaradda ahaan aan isku nahay dad ay kadhaxeyso wada shaqeyn joogto ah  mar waliba sidaan oo kale ayaan u sii wadda shaqeyn doonaa”ayay tiri wasiirka dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diriye.

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud

0

Muqdisho (SNTV) Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

Ciidanka Xoogga dalka oo Deegaanka Dhagaxyaale kala wareegay Maleeshiyada Shabaab

0

Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

0

Muqdisho (SNTV)– Sanadkasta maanta oo kale ayaa meela badan oo caalmka katirsana laga xusaa dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH, waxaa meelaha sida gaarka ah looga weyneeyo kamid ah Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Garsoorka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxaana ka qeyb galay  Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Babanaadir, Kusimaha Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka, Culumaa’udiin, Arday iyo Marti sharaf kale .

Salliga  iyo taariikhda nabiga ayay culumada ku soo bandhigeen  kulankii maanta, waxaana wax badan la iska xasuusiyay kusoo biiridii nabigeen dunidan iyo sida ay ku soo bilaabatay taariikhda faafidda diinta ee uu nabigeena u ahaa dhameystir dhamman fariimihii Allah nooga yimid.

Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  ee dalka ayaa soo xiray munsaabadda isagoo uga mahad celiyay dhamman ka qeybgalayaashii munaasabadda dhalashada Nabigeenna Muaxammed NNKH  sida ay ugu heelan-yihiin.

Taariikhda ayaa la wariye in Nabigeenna uu ku soo biiray bishan oo kale 570-sano Miilaadiga kadib, waxa uuna ahaa nabigii ugu dambeeyay ee Allah u soo diray dhammaan dadka dunidan ku nool si’ uu ugaarsiiyo fariinta Allah ee uu xiriiriyaha ka ahaa Malkul Jabriil CSW.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland.

0

Muqdisho, Nofeembar 19, 2018 –
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda

Muqdisho (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS).

Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, horumarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in horumar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hadda gaareysa 3-Milyan.

“Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5-Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku baraatikeeyaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan.

Xildhibaanada qaar ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay horumarada Jaamacadda iyo warbixinta la soo bandhigay, sidoo kale waxa ay guul weyn ku tilmaameen dib u yagleelida Jaamacadda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale la horgeeyay mashruuca sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad, waxaa sidoo kale loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo qeybinta warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018.

Wasiir Beyle oo shirguddoomiyeyay kulanka todobaad laha ah ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya “SMP3”

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta guddoomiyeyay kullanka todobaad laha ah ee Barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ee SMP3.

“Maanta waxaan shir gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah ee  SMP3, Waxaan diiradda Ku saarnay howlaha na horyaala iyo u diyaar garowga arimaha SMP3 nagala doonaya in aan fulino,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jirta ka qeyb galka shir Dowladda Soomaaliya,Hay’adda IMF iyo Banka aduunka ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Hay’adda lacagta aduunka (IMF) ayaa Dowladda Soomaaliya ku ammaantay hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ee ay ku tallaabsatay sanadihii  ugu danbeysay.