Home Blog Page 1087

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gopbolka Minesota

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Salaad (Omaar) oo booqasho shaqo ku jooga wadanka Mareykanka ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minisota ee Waddankaan Maraykanka.

Wasiirka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay howlaha baaxada leh ee ay wasaaradiisu qabatay labadii sano oo uu xilka hayay, waxaana wasiirku ka xusay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

1- soo Celinta maamulka iyo maareynta hawada Soomaaliyeed.

  1. Suurta galinta In ay shirkaddo caalami ah dib uga howl galaan garoonka caalamiga ah ee Aadan cade.
  2. Duulimaadka diyaaradaha ee xiliyadda habaynkii oo la suurta galiyey .
  3. Qorshaha dib u soo celinta Somali Arline’s oo uu sheegay inay meel fiican marayso.
  4. Sare u qaadista bilicda iyo ballaarinta garoonka Aadan cadde.
  5. Dajinta, dhameystirka iyo dhaqangalinta hindisa sharciyeedka hay’adda duulista iyo gaadiidka hawada ee Soomaaliya.
  6. Iyo sidoo kale Dhisidda shaqaale xirfad sare leh oo ka howl gala wasaaradda iyo guud ahaan waaxyada kala duwan ee xukuumadda uu ka tirsanyahay.

Wasiirka ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee ay jaaliyaddu u samaysay iyo taageerada ay u muujiyeen dowladda Feedaraalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo mudane Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayrre.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka Xog hayhaya Koowad ee Saafaradda Soomaliya ee Mareykanka Mudane Cabdiraxmaan Bashiir, isagoo ka warramay jaaliyadda iyo horumarka ay ku tillaabsatay.

Gabagabadii ayaa waxaa ay Golaha arrimaha dadweynaha Somalida Mareykanka oo loo yaqaan Somali American PAC gudoonsiiya  billad sharaf wasiirka iyo dhamaan golaha wasiirada Soomaliya oo loo mariyay xafiiska raisul wasaaraha Xassan Cali Kheyre.

Shaqsiyaad lala xiriirinayo Dika Xildhibaan Boqore oo ay Ciidamada amnigu qabteen (Dhageyso)

0

Muqdisho- (SNTV) Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye guuto C/llaahi Xasan Bariise ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka qaranka ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad lala xiriirinayo in ay ka danbeeyeen dilkii shalay galabtii loogu gaystay magaalada muqdisho xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

 

Halkan Ka dhageyso Codka liyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

0

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka  tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo.

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa  muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay inay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida ammaanka.

Sidoo kale Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ay kooxo arxan laabayaal ah ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo Laamaha Amniga Faray inay Baaris ku Sameeyaan Dilka Xil. Cismaan Cilmi Boqorre

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka.

Muqdisho(SONNA):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho. Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno. Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

0

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno.

Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

Ra”iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

0

Muqdisho (SNTV): Kooxo dhaqar qabayaal ah ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dilay Alle ha naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo dhaqar qabayaal ah ay ku dileen Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarisay hab casri ah oo imtixaanaadka loo qaado

0

Muqdisho (SNTV) Iyadoo loo diyaar garoobayo imtixaankii guud ee dowladda oo dhicidoona bartamaha sanadkan ayaa wasaaardda Waxbarashada,Hidah iyo Taclinta sare ee dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo la xiriira qaadista imtixaanaadkaasi oo qaab casri ah loo qaban doono.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) ayaa maanta kormeerey Dugsiga Jamaal C/naasir,oo lagu soo kordhiyay qalab casir ah oo loogu talagalay in lagu diyawaangeliyo ardayda imtixaanaadkaasi galaysa oo qaab casri ah oo computreised ah.

mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) oo kormeerka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay habkan cusub oo loogu talagalay qaadista imtixaanaadka guud ee dalka.

“Runtii maanta waxaa ay ahayd maalin aan u kuurgalaynay diyaar garowga imtixaanaadka dowladda  ee 2019-2020,manta waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa kamid ahaa in aan hubino nidaam cusub oo imtixaaanaadka sanadkan cusub lagu bilaabo,sida aad ogtihiin waxaa socday nidaam cusub oo horumarinta waaxyaba iyo guud ahaan wasaradda si loo helonidam casri ah oo imtixaakaasi,waxaan bilownay in imtixaanka uu noqdo qaab computerised ah,sanadkaan waxaan qayaasayna ain la diwaangelindoono  37 ,000 kun oo arday,wuxuu qabsoomi doonaa imtixaankaasi,isbuuca koowaad ee bisha 5-aad ee sanadkan gudihiisa”. Ayuu yiri Jaabiri.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan habkaasi cusub oo casriga ah,oo ay soo diyaarisay wasaaradda,si looga gudbo culeyskii saranaa wasaaraddaasi,wuxuuna sidoo kale sheegay in muhiimad gaar ah uu ay leedahay arrintani.

Ugu dambeyn waxaa uu uga mahadceliyay mas’uuliyiintii wasaaradda iyo howlwadeenadii waqtiga ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahani casriga ah,kaasi oo baahi weyn loo qabay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qayb-gelaya Shirka Dalalka Carabta iyo Midowga Yurub

Masar (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Wadatashiga Wareega Koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad oo ka furmay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (SNTV):- Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga furmay Wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalka . waxana daah_furka wadatashiga ka qeyb ahaa Xubna ka kala socda golaha Wasiiradda Galmudug, buslahda rayidka Mamaulka iyo Khubarada Qorshahan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Bulshada ku nool deegaanada Galmudug ayaa si wanaagsan u soo dhoweeyay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed, ayna diyaar u yahiin in  baahiyahooda ay ku biiriyaan Qorshaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad.

Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale  oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wadatashiga wareegga kowaad ee Qoshaha Horuamrinta Qaranka Sagaalaad, waxuuna bogaadiyay dadaaalada ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta Dowladd Gobaleedka Galmudug Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay in farxad wayn u tahay maamulka Galmudug,in ay qeyb muhiim ah  ku yeeshan wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla amrkaana ay diyaar u yahiin in baahiyaha u baahan  wax ka qabashada  ka Galmudug ahaan in ay Khubarada la wadaagaan si uu qeyb ugu noqdo Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Dr. Maxamed Xuseen oo ah Khubarada Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ahna mas’uulka hogaaminayo Qorshaha 9-aad ayaa ka warbixiyay muhiimadaha horu _tabinta u leh Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad si wax looga qabto yareynta Saboolnimada iyo Geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ku simaha Madaxa Xukuumadda Mamaulka Galmudug  oo daahfuray wadatashiga ayaa sheegay  in ka maamul ahaan ay raali ka yahiin qorshaha Soomaaliyeed oo dalka dhan ahmiyad u leh in ka Galmudug ahaana ay qeyb ka yahiin ayna diyaar u yahiin in ay la shaqeyn doonan Wasaaradda Qorsheynta howsha baaxada leh ay wado ee ku saabsan Qorshaha horurmarinta Qaranka Sagaalaad  oo ahmiyad wayn leh dalkeena.

Khubarada ka socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa ku sugnaan doona mudo afar maalmood ah Magaalada Dhuusamareeb,waxaana wadatashi la yeelan doonan Buslada rayidka, Ganacsatada, laanta Sharci dejinta iyo Fulinta Galmudug oo la dhageystan doono aragtidooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo ka kooban ilaa iyo shan tiir oo kala ah,Tubta Amniga, Tubta Siyaasada loo dhan yahay,Tubta Arrimaha Buslahda, Tubta Dhaqaalaha iyo Tunta Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga.

 

Sanatar Ayuub Ismaaciil oo Dhalinyarada ku bogaadiyey Kobcinta Afka Soomaaliga

0

Muqdisho (SNTV) Iyadoo maalmahan lagu jiro Xuska Afafka Aduunyada ayaa waxa goobo badan oo dalka kamid ah lagu qabtay Xuska Afka Soomaaliga, akhriska iyo horumarintiisa.

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada muqdisho islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Muqdisho ayaa aad loogu dhiiri galiyay horumarinta afkeena, iyada oo aad loo dul istaagay in wax la qoro lana akhriyo, waliba afkeena hooyo si uu u kabco uguna biirin luuqadaha la sheegayo in boqolaal sano ka dib dabar go,ayaan.

Madashan oo kulmisay dad badan waxa hadal kooban ka jeediyay Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf oo ah xubin dhalin yaro ah kana tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo dhiira galiyay muhiimada wax akhriska iyo qoraalka, wuxuna isdultaagay aadna u xasuusiyay dhalinyarada in ay akhriyaan Dastuurka kana doodaan dadkana u akhriyaan, kaas oo noqon doona tiirka koobaad ee Dowladnimada Soomaaliyeed.

Madasha ayaa u mahadcelisay Senatorka sida uu u garab istaago Dhalinyarada, isaga oo ka mid ahaa dadkii taabo galiyay qabsoomidda Barnaamijkan.