Ra’iisul Wasaare Khayre oo Hoygiisa Kula Kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Date:

SNTV:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay, ayaa bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taaganyihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrimaha dhab-u-heshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqanku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee laf-dhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...