Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaaladda Garoowe

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ujjeedada Socdaalka Wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS uu hoggaaminayo ayaa ah sddii wadatashi ku aadan Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee Sagaalaad loola yeelan lahaa hay’adaha  Dawlad gobaleedka Puntland, Ururadda Bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlay  qeybta  nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdiga  uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Dawlad goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,  si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed ayaa sheegay in  ujeedada ugu weyn ee socdaalkoodu in ay tahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland iyo sidoo kale wada-tahsiga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo lala yeelanayo Hay’adaha dawladda  iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Socdaalkeena waxuu ku saabsan yahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobaleedka Puntland, iyo wadatashi inaa ka sameyno Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo qoraalkiisa koowaad bilowday siddii Puntland qeyb-tooda ay ugu geysan lahaayeen, waxyaabaha aan doonayno waa inaan ka wada hadalno arrimaha aan soo sheegnay, waana boggaadinayaa shaqada wanaagsan ee  ay qabteen.  “Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka Deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, si dalkeenu u gaaro Horumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...