Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaaladda Garoowe

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ujjeedada Socdaalka Wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS uu hoggaaminayo ayaa ah sddii wadatashi ku aadan Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee Sagaalaad loola yeelan lahaa hayโ€™adahaย  Dawlad gobaleedka Puntland, Ururadda Bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlayย  qeybtaย  nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdigaย  uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Dawlad goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ย si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed ayaa sheegay inย  ujeedada ugu weyn ee socdaalkoodu in ay tahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland iyo sidoo kale wada-tahsiga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo lala yeelanayo Hayโ€™adaha dawladdaย  iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

โ€œSocdaalkeena waxuu ku saabsan yahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobaleedka Puntland, iyo wadatashi inaa ka sameyno Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo qoraalkiisa koowaad bilowday siddii Puntland qeyb-tooda ay ugu geysan lahaayeen, waxyaabaha aan doonayno waa inaan ka wada hadalno arrimaha aan soo sheegnay, waana boggaadinayaa shaqada wanaagsan eeย  ay qabteen.ย  โ€œAyuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka Deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, si dalkeenu u gaaro Horumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...