War-Murtiyeed Wadajir ah Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka

Date:

Muqdisho, 26 Maarso 2019 – Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika,  Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fineyso dib-u-habeynta hay’adaha Ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan howshaan ku taageeri doonno. Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaliya ee  shirka gu’aga ee World Bank-International Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington. Waxaan sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dib-u-habeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan. Bahwadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed  si ay u xaqiijiyaan dib-u-habeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...