Madaxweyne Farmaajo “Dalkiina ayaad nafta u hurteen, Waa idin garab taaganahay ”

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay diyaar u tahay sidii ay Ciidamada Qalabka sida u heli lahaayeen Xaquuqdooda iyo niyad dhiskooda isla markaana laga doonayo inay dhaqaaqaan oo Cadowga ay ugu tagaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Dowlada waxay diyaar u tahay inay Xuquuqdiina idin siiso, Raashinkiina waad heleysaan, Mushaarkiina waad heleysaan, Niyad dhiskiina waad heleysaan, oo waa idin garab taaganahay, sababtoo ah waxaad tihiin Geesiyaal, awood iyo aqoon naguma yara waxa kaliya oo loo baahan yahay waa inaan dhaqaaqno oo cadowga meelaha uu ku harsan yahay aan ka xureynaa, Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wanaagsan wayna idin garab taagan yihiin”.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalka awoodiisa ay yihiin Ciidanka Xoogga Dalka lagana doonayo in ay ka difaacaan Codowga Gudaha iyo Dibada, isagoo Saraakiisha ku amaanay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan.

“Dal waxaa cudud u ah Ciidankiisa, Dadka niyada u dhisi lahaa Shacabka Soomaaliyeed waa idinka oo Cadowga Gudaha iyo kan dibada ka difaaci lahaa, waa inaan dalka ka xureynaa Cadowga aan dooneynin dalkeena inuu xasilooni helo, Saraakiil aqoon iyo qibrad leh ayaa tihiin, shaqada aad heysaan shaqo caadi ah maaha Naftiina ayaad u hurteen Qarankiina”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadalkan ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed keddib markii uu kormeer ku tagay Dugsiga Janaraal Goordon iyo Taliska Guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...