Madaxweyne Farmaajo “Dalkiina ayaad nafta u hurteen, Waa idin garab taaganahay ”

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay diyaar u tahay sidii ay Ciidamada Qalabka sida u heli lahaayeen Xaquuqdooda iyo niyad dhiskooda isla markaana laga doonayo inay dhaqaaqaan oo Cadowga ay ugu tagaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Dowlada waxay diyaar u tahay inay Xuquuqdiina idin siiso, Raashinkiina waad heleysaan, Mushaarkiina waad heleysaan, Niyad dhiskiina waad heleysaan, oo waa idin garab taaganahay, sababtoo ah waxaad tihiin Geesiyaal, awood iyo aqoon naguma yara waxa kaliya oo loo baahan yahay waa inaan dhaqaaqno oo cadowga meelaha uu ku harsan yahay aan ka xureynaa, Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wanaagsan wayna idin garab taagan yihiin”.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalka awoodiisa ay yihiin Ciidanka Xoogga Dalka lagana doonayo in ay ka difaacaan Codowga Gudaha iyo Dibada, isagoo Saraakiisha ku amaanay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan.

“Dal waxaa cudud u ah Ciidankiisa, Dadka niyada u dhisi lahaa Shacabka Soomaaliyeed waa idinka oo Cadowga Gudaha iyo kan dibada ka difaaci lahaa, waa inaan dalka ka xureynaa Cadowga aan dooneynin dalkeena inuu xasilooni helo, Saraakiil aqoon iyo qibrad leh ayaa tihiin, shaqada aad heysaan shaqo caadi ah maaha Naftiina ayaad u hurteen Qarankiina”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadalkan ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed keddib markii uu kormeer ku tagay Dugsiga Janaraal Goordon iyo Taliska Guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...