Xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo Beijing laga furay

Date:

Beijing (SNTV)-Hoolka shirarka jaamacadda waxbarashada ajnabiga ee magaalada Beijing waxaa saaka ka dhacay xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha kaas oo uu soo agaasimay machadka China-Arab states press oo muddo bil ka badan ka socon doona wadankan.
Xafladda waxaa lagu casuumay oo ka soo qeybgalay danjireyaal iyo diblomaasiyiinta dalalka Jaamacada Carabta ee jooga Shiinaha, sidoo kale waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda China iyo madaxda jaamacadda Beijing foreign studies.
Luo linquan, oo ku xigeenka madax qeybta diblomaasiyada ee jamacadda oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ka qeybagaliyaash barnaamijka, waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirka ka dhexeeya Shinaha iyo dalalka Jaamacada Carabta.
Waxaa sidoo kale, xusay in u jeedada laga leeyahay in ay tahay isku soo dhoweynta shucuubta labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa xiriir ka balaaran kii horey u jirey, maadaama qalabka warbaahinta uu yahay mid sahlaya gudbinta fariinta saxda ah.
14 saxafi oo ka kala socda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa ka qeyb galaya barnaamijka sanadkan 2019, waana kuwii ugu horeeyay oo ka qeyb galaya barnaamijka xarunta China-Arab states press.
Xarunta China-Arab states press ayaa kamid ah xarumaha hoostaga wasaaradda arrimaha dibadda China, kuwaas oo dowladda Shiinaha ugu gol leedahay in ay ku abuurto is dhexgal dhaqan- dhaqaale oo ay la yeelato dalalka jaamacada Carabta.
Barnaamijka tababarka saxafiyiinta, waxaa uu socon doonaa muddo bil iyo bar ah, iyadoo booqashooyin gobolo kala duwan ee dalka shiinaha iyo xarumaha dowliga iyo goobaha kale sida xarumaha ganacsiga ay sameyn doonaan ka qeyb galayaasha.
Saxafiyiinta waxa ay booqdeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda China, waxa qaabiley danjiraha Shiinaha ee Jamacada Carabta kaas oo ugu waramay qorshaha dowladda ee ku aadan dalalka Jaamacada Carabta.
Qorshaha ugu weyn ee Shiinaha ayaa ah hirgelinta waddada xariirsa china iyo waddamada carabta, waxaana ilaa hadda ay heshiis arrintaas ku aadan la galeen 16 dowladood oo ururkaas ku jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...