Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay maleeshiyaad isugu  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay  ku qaadatay Xafiiska  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska ayaa horkeenay  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad  eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...