Home Blog Page 1086

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar lagu Khaarajiyay 6 ka tirsan Al-shabaab

0

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.

Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Argagixisada Shabaab.

Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.

Dawladda iyo Saaxiibadeed  weey  sii wadayaan  Dagaalka Ka  dhanka ah Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Gobalka Banaadir Iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018 –

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow), oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda oo ay kamidka yihiin geeddi socodka cafinta daynta lagu leeyahay dalka, iyo horumarinta aruunrinta dakhliga dawladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka, waxa uuna faray wasiir-ku xigeenka in lasii laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo fulinta qorshayaasha qaranka u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxa uuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kormeeray xarunta maamulka gobalka Banaadir, oo uu kula kulmay guddoomiyaha gobalka, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyaha gobalka kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Is-xilqaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo qabatay munaasabad loogu dabbal degayo maalinta macalinka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, November, 21, 2018:- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabbal degayo maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka xildhibaan Cali jowhar gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda lataliyaha wasaaradda agaasimayaal ,madaxa imtixaanaad dowladda soomaliya macalimiin iyo marti  sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cali jowhar ayaa hambalyo u diray macalimiinta Somaaliyeed meel kasta oo ay jogaan, waxana u sheegay in duruufo adag ay ku soo shaqeeyaan.

Wasiiro doowlaha wasaarada waxbarashada XFS,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen macalimiinta Soomaaliyeed intii lagu guda jiray burburka isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed islamarkana hadii uusan jirin macalin, horumar aan la gaari laheyn.

“Maanta waa maalin weyn ,waa maalin Ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuusn u leh waa maalintii macalinka Soomaaliyeed ma jirto maalin ka haboon oo in loo dabbal dego, waxaan hambalyo u diraya, macalimiinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogan”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

“ Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn,waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahad celiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiligii aan burburka ku jirnay dhiigooda iyo waqtigooda u huray in ay waxbaraaan arday Soomaaliyeed oo duruufo gaar ah ku jira waxaan leeyahay aad  ayaad u mad santihiin, kawasaarad ahaan ma iloobi doon in aan idii mahad celino marna kama daali doono in aan sheegno daruuftii adkeyd ee aad ku soo shaqeyseen”ayuu yiri Mudane Jaabir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle  ayaa ballan qaaday in ka wasaarad ahaan ay  soo celin doonaan sharaftii iyo karaamadii macalimiinta Soomaaliyeed.

Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Is-xilqaan

0

Muqdisho (SNTV):-Hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo uu hoggaaminayo wasiir dawlaha xafiiska ayaa maanta ka qayb qaatay barnaaminka is-xilqaan ee lagu dhisayo Xarunta Murtida iyo Wacyi-gelinta.

Hawl-wadeennada oo uu ka muuqday diyaar garow xooggan ayaa gaaray Tiyaatarka iyaga oo kadibna guda galay qabashada shaqada dib u dhiska ah ee ka socota.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale maareeyaya Xarunta murtida iyo wacyi-gelinta, Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure, ku wareejiyay 300 oo Kiish oo Shamiito ah oo shaqaalaha xafiisku ay ku tabaruceen dhismaha Tiyaaratarka

Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure ayaa shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay shamiitada ay ugu deeqeen dhismaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta oo lagu dhisayo barnaaminka Is-xilqaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay wax ka bedelka sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan sida aqrinta 1-aad, aqrinta 2-aad, iyo aqrinta 3-aad.

Inta uu maraayay heerarkaas ayaa xildhibaanada waxay ku dareen talooyinkooda iyo soo jeedino la xiriira meelaha in laga bedelo u baahan xeerkan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in maalinta sabtida cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaan walbo uu fursad u heysto inuu talooyinkiisa uu ku biiriyo.

“Codeynta sharcigaan waxa ay dhaceysaa maalinta Sabtida xildhibaan walba waxa laga codsanaya inuu isku soo diyaariyo maadaama maanta aysan fadhin kooramkii lagu codeyn lahaa, xildhibaankii doonaya inuu wax ku daro fursad ayuu heystaa”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Macallinka waa Musbaaxa Dunida

0

Muqdisho- (SNTV) Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku began tahay sanadguuradii 44aad maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macalinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo Doorkiisa Qiimaha badan

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale waxaa la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyahay Bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay Maalin wayn oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka burburka ku jiray haddii macalinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn wabaridda ardayda Soomaaliyeed, waxaa Qatar gali lahaa mustaqbalka dadka soomaaliyeeed,hormarka maanta dalka ka jirana lama gaari lahayn.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadda kana saara jahliga iyo mugdiga aqoon darida,Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa Bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macalinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii Mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan

Radio Mqdisho/ SONNA

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Conte oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga

0

Rome, Nofeembar 20, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.

War-saxaafadeed:-Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Mudug.

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Hawlgalkaan oo dhacay saaka waabarigii ayaa Daba socday weerar kale oo isla shalay Ka dhacay isla nawaaxigas.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxeey Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Alshabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan.

Weerarkaan waxaa Ku dhafwaayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan shabaab mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Tani waxeey muujinaysaa sida Ciidamada Qaranku awood ugu leeyihiin in ay Ku beegsadaan shabaab goob kasta oo ay Ku suganyihiin iyo sida kooxdu ay ugu nugushahay in talaabo looga qaado goobkasta oo Ka Ku dhuumaalaysanayaan.

Dawladda soomaaliya waxaa Ka go’an in ay Ka hor istaagto argagixisada in ay waxyeeleeyaan Bulshada Soomaaliyeed waana taas sababta loo joogtaynayo hawlgalada nuucaan ah.

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Kooxda Daacish

0

Muqdisho (SNTV)- War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 Ciidamada amniga  magaalada Muqdisho ay kasoo qabteen xubno Kooxda ka tirsan ISIS.

Xubnahaan ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo Ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Muqdisho.

Howlgalkaan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo Qofna wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay Qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay.

“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah, Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay,  Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” sidaasi ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka.

Soo qabashada xubnahaan ka tirsan Argagixisada Daacish ayaa kala Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey Xal u helida Mushkiladaha dunida”Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxakamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Luckow ee dalka India kaga qeyb-galay kulan looga hadlayay xal u helida mushkiladaha dunida sida argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Kulankaan ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka waxaa ku wehlinayo Garsooreyaal Maxkamadda ka tirsan iyo Masuuliyiin kale.

Inta uu socdo kulankaan ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa siddii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha dunida ka taagan oo ay ugu weyn yihiin argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Sidoo kale Kulankaani ayaa wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay shirka 19aad ee Caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka oo ka socda magaalada Luckow ee dalka India.