Home Blog Page 1086

Haween ka tirsan Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo tababar ugu ambabaxay Turkiga

0

Haweenka ku jira Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta safar ku saleysan aqoon isweydaarsi ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Haweenka Xildhibaanada ee u ambabaxay dalka Turkiga ayaa ka kooban 20-Xildhibaan,waxaana sidoo kale qeyb ka ah safarka Dahabo Xasan Axmed oo ka socota Hay’adda Hear Women oo fidisay kulanka aqoon kororsiga ee ka dhacaya dalka Turkiga.

Xildhibaan Dr. Mina Xasan Maxamed oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta Qaranka kula hadashay gudaha Garoonka Aadan Cadde ka hor inteysan dhoofin ayaa sheegtay in tababar soconaya mudo todobaad ah ugu ambabaxeen dalka Turkiga,waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in wax badan oo qibrad ah ka soo faa’idi doonaan howsha ay u baxeen.

Waxay sheegtay in tababarka ay u socdaan dan weyn ugu jirto,islamarkaana rajeyneyso iney aqoon wanaagsan kala soo laabtaan Turkiga.

Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adda Hear Women uga mahad celisay casuumaddan aqoon isweydaarsiga oo ay u fidisay,waxayna tilmaantay iney wax badan  ka soo faa’ideysan doonaan mudada ay joogaan dalka Turkiga.

Ugu dambeyntii,mudada Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxay la kulmi doonaan Haweenka ku jira Baarlamaanka dalkaasi oo ay ka wada arrinsan doonaan sidii xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen Labada Baarlamaan gaar ahaan Haweenkooda.

 

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

0

Duqeymo qasaaro geystay ayaa Maleeshiyaadka Al Shabaab lagula eegtay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in illaa shalay galab dhulka Buuraleyda ay ka dhacayeen duqeymo isdaba joog ah kuwaas oo lala beegsanayay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Horjoogayaal katirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Goobaha ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxaa kamid ah deegaanada Oratan iyo Yabaara-eele oo tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale,dadka deegaanka ayaa arkay Maydadka Al Shabaab kuwaas oo duqeynta haleeshay iyo kuwo kale oo doonayay iney baxsadaan balse waxyeelo soo gaartay.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxibada caalamka ayaa wada qorshe ay dalka kaga ciribtiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo dhibaato xooggan ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Jowhar (SNTV)- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

 

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Khudbadda Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

0

Sharm El-Sheikh (SNTV)- Khudbadda Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya.

Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo. Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka. Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah. Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale.

Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub. Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan. Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna.

Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta.

Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno. Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay. Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud.

Dhammaantiin waad mahadsan tihiin.

Madaxweyne Farmaajo oo Shir-doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga

0

Sharm El-Sheikh (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo ka tacsiyadeeyay geerida Xil. Cismaan Cilmi Boqore

0

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha hore ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo shalay ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxriistiisa janno uu ka waraabiyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo qaraabdii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuumka uu ahaa muwaadin dadkiisa iyo dalkiisa jecel islamarkaana mar walba u taagnaa horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay shirarka tubaha Dhaqaalaha iyo amniga

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe.

Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration).

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray inEy laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay munaasabad lagu sagootinayay Madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV): Munaabsad lagu sagootinayay madaxii Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsanaa Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,wasiir kuxigeenka,Agaasimaha guud,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale,iyadoo goobta lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan waxqabadkii mas’uulkan intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya.

Dr. Popal Ghulan Rabani oo ah madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliy oo waqtigiisu dhammaaday,ayaa si weyn uga hadlay waxqabadka xafiiskiisa mudadii uu joogay,wuxuuna sheegay iney guulo ka gaareen horumaro laga sameyeey adeegyada caafimaad ay bulshadu u baahnaayen,sida ololihii ciribtirka cudurka Dabeysha ee Soomaaliya,wuxuu ku ammaanay hay’adaha caafimaadka heer Federal iyo heer dowlad Goboleed kaalintii ay ku lahaayeen fududeynt howlaha xafiiska uu qabanayay.

Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa ka mahad celiyay waxqabadkii madaxii Hay’adda WHO Dr. Popal Ghulan Rabani,isagoo xusay in howlihii la qabtay Bulsho badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’ideysteen.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku ammaantay Dr Popal Ghulan Rabani  guulihii uu soo hoyay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Dr. Popal Ghulan Rabani, maadaamo oo uu ku guuleystay shaqo wanaag.

Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Suudan oo booqday Xarunta taliska Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-nuur  C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya  S/guud Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa waxaa Xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyey Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Madaxda Hogaanadda Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan oo ay wehliyaan Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta iyo Boliiska ayaa Salaan ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Boliiska waxaana kooxda baanbeyda Muusikada u garaaceen Astaanka Muusikada Labada Dal, isagoo mid mid ugu soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa martiqaad rasmi ah ugu dhiibay Taliyaha Ciidanka Boliiska Suudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan Saree Guud Haatim Alnuur C/qaadir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Ciidanka Boliiska, iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Dalka Soomaaliya.

Dalka Suudaan ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu horeeya ee ka caawiya Soomaaliya Tababarida qaybaha ay ka kooban yihiin Ciidanada Qalabka Sida.

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo tababar la xiriira Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga u furay Saraakiil iyo Agaasimeyaal

0

Muqdisho (SNTV) Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa ku saabsan xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana loo furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmaha uu socdo tababarka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay baran doonaan xeerkan iyo habka ugu wanaagsan ee loo dhaqan gelin karo, si xeerkan uu u noqdo mid shaqeeya.

“Waxaan maanta Daah-furay Siminaar ku saabsan Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Waxaana ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga ayaa dadaal ugu jirta sidii loo soo saari lahaa ciidan tayeysan oo fahamsan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed.