Home Blog Page 1088

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

Ciidanka Xoogga dalka oo Deegaanka Dhagaxyaale kala wareegay Maleeshiyada Shabaab

0

Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

0

Muqdisho (SNTV)– Sanadkasta maanta oo kale ayaa meela badan oo caalmka katirsana laga xusaa dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH, waxaa meelaha sida gaarka ah looga weyneeyo kamid ah Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Garsoorka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxaana ka qeyb galay  Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Babanaadir, Kusimaha Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka, Culumaa’udiin, Arday iyo Marti sharaf kale .

Salliga  iyo taariikhda nabiga ayay culumada ku soo bandhigeen  kulankii maanta, waxaana wax badan la iska xasuusiyay kusoo biiridii nabigeen dunidan iyo sida ay ku soo bilaabatay taariikhda faafidda diinta ee uu nabigeena u ahaa dhameystir dhamman fariimihii Allah nooga yimid.

Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  ee dalka ayaa soo xiray munsaabadda isagoo uga mahad celiyay dhamman ka qeybgalayaashii munaasabadda dhalashada Nabigeenna Muaxammed NNKH  sida ay ugu heelan-yihiin.

Taariikhda ayaa la wariye in Nabigeenna uu ku soo biiray bishan oo kale 570-sano Miilaadiga kadib, waxa uuna ahaa nabigii ugu dambeeyay ee Allah u soo diray dhammaan dadka dunidan ku nool si’ uu ugaarsiiyo fariinta Allah ee uu xiriiriyaha ka ahaa Malkul Jabriil CSW.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland.

0

Muqdisho, Nofeembar 19, 2018 –
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda

Muqdisho (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS).

Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, horumarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in horumar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hadda gaareysa 3-Milyan.

“Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5-Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku baraatikeeyaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan.

Xildhibaanada qaar ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay horumarada Jaamacadda iyo warbixinta la soo bandhigay, sidoo kale waxa ay guul weyn ku tilmaameen dib u yagleelida Jaamacadda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale la horgeeyay mashruuca sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad, waxaa sidoo kale loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo qeybinta warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018.

Wasiir Beyle oo shirguddoomiyeyay kulanka todobaad laha ah ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya “SMP3”

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta guddoomiyeyay kullanka todobaad laha ah ee Barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ee SMP3.

“Maanta waxaan shir gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah ee  SMP3, Waxaan diiradda Ku saarnay howlaha na horyaala iyo u diyaar garowga arimaha SMP3 nagala doonaya in aan fulino,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jirta ka qeyb galka shir Dowladda Soomaaliya,Hay’adda IMF iyo Banka aduunka ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Hay’adda lacagta aduunka (IMF) ayaa Dowladda Soomaaliya ku ammaantay hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ee ay ku tallaabsatay sanadihii  ugu danbeysay.

Boqolaal ku dhaawacantay mudaaharaad dalka Faransiiska ka dhacay

0

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho (SNTV):- Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo sare u kacay ayaa waxaa ka dhashay dhaawac lag uqiyaasay 400 oo ruux, sida ay sheegeen dad masuuliyiin ah, warka ayaa intaasi ku daraya in mudaaharaadku uu socdo maalintiisii labaad.

Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna lo oxirxiray mashaqadan darted.

Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkani oo billaabmay sabtidii lasoo dhaafay, mudaaharaadka ayaa sii socday illaa maalintii axadii.

Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” kuwa sita funaanado midebkoodu yahay jaale ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan.

Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa caradii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la samaynin, si uu uga hadlo mudaaharaadka, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurintii la sameeyay.

Macron, ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka.

 

 

When you’re finished with the plan of this letter, you’ll have legit essay writing service to use a unique ink.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo kulan la qaatay Xubno iyo mas’uuliyiin ka socday Qaar kamid ah ururada dhalinyarada ee dalka

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho(SNTV):- Shirkan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka iyo ururada dhalinyarada ee ka jira dalka ayaa diiradda lagu saaray sida ay dhalinyaradu uga faa’iideeysan karaan fursadaha Shaqo si ay uga qayb qaataan horumarinta amniga dalka.

Mudadii uu socday kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo kusaabsan sida loo horumarin karo  dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo door muuqda ka qaadanaya Dibudhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha  Dhalinyarada Gobolka Banaadir  Cabdikaafi Maxamuud Makaraan  iyo Guddoomiyaha Isutagga Ururada Dhalinyarada Soomaaliya, Somali Youth Cluster, Marwo Muno Xasan Maxamed oo kamid ahaa mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay shirkani ayaa waxay sheegay in ay kulanka kasoo baxeen qodobo muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdifatax Khaasim iyo Xildhibaan  Maxamuud Siraaji oo labadaba ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in la isku raacay in la dhiso sharci haga dhalinyaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Mudane Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed loogu sameeyn lahaa shaqo abuur.

 

Madaxda 54-ta dal ee ururka Midowga Afrik oo qodobo muhiim ah kasoo saray shir ay ku yeeshen Adis ababa

0

SNTV;- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galay shirka  ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia.

shirka ayaa intii u socday waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa  arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

“Waxyaabaha looga  hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ah dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo la kulmay shaqaalaha Wasaaradda ee kormeeray Dugsiyada dowladda

0
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay shaqaalaha wasaaradda ka dib markii ay kormeer ku tagay  iskuullad dowladda ee magaalada Muqdisho.
 

Kulanka ay yeeshen ayaa salka ku haya kormeerka ay sameyeen kormeerayaasha kasocday wasaaradda Waxbarashada sii ay usoo gudbiyan maclluumadka ay kala kulmeen  iskuullada dowladda hoos tagaa.

Xubnaha kormeeray iskuullada dowladda ayaa agaasimaha u gudbiyay macluumaadka ku saabsan iskuullada ay booqdeen iyo sidaa xaalkoodu yahay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed.

Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in  wasaaradda muhiimad ay siineyso sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta iskuullada islamarkana  tababar loo furi doono.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaala gobolka Banaadir, iyadoo ardeyda dhigta iskuulladan ay si lacag la’aan ah ay wax uga bartan, waxana loo qeybiyay manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.