Home Blog Page 1088

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Xabsi Casri ah oo Muqdisho laga dhisay

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay maanta munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta.

“Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo maamuus, dad badani waxa ay aaminsanyihiin in ay maxaabiis ilaaliyaan. waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay toosin, waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay barbaarin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay anshixin iyo wacyi gelin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay inay dib-u-caawiyaan dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waan halkaan idinkaga hambalyeynayaa maantay in aad soo dhamaystirteen xabsigii la rabay in lagu xanaaneeyo dad Soomaaliyeed laakiin ay ka muuqato qaabka uu dalkeennu dib ugu soo dhismaayo, waxaan uga hambalyaynayaa ciidamada asluubta iyo wasaaradda caddaaladda iyo bahda caddaaladda oo dhan oo halkaan joogta oo naftooda dalka u huray, annaga oo tacsina u dirayna kuwii ku geeriyooday oo uu ugu dambeeyay xeer ilaaliye ku-xigeenkii, in xabsigii iyo maxkamaddii ay isku dhex taallo, macnaheedu waxa ay tahay in cadddaaladii ay tallaabo horay u qaaday, waan idiin hambalyeynayaa, Soomaaliya waxa aan leeyahay Ilaahey ha u barakeeyo”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidanka asluubta ugu hambalyeeyay munaasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in ciidanku ay yihiin laf-dhabarta dawladnimada dalka.

Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka guud ahaan.

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

0

USA-(SNTV)- Cabdi Yuusuf Xasan, oo ah muwaaddin Soomaaliyeed, ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka, markii lagu eedeeyay Afduub wariye oo ka dhacay Gaalkacyo January 2012-kii.

Muwaaddin, Cabdi Yuusuf, ayaa lagu soo eedeeyay inuu Gacan weyn ku lahaa qafaalashada, Wariye, Michael Scott Moore, kaas oo muddo Saddex Sana ah lagu haystay Gobolka Mudug.

Michael Scott Moore, oo ah Jarmal haysta dhalashada Dalka Mareykanka, ayaa xilligii la Afduubanayay diyaarinayay war-bixinno ku saabsan Burcad-Badeedda Soomaaliya.

Cabdi Yuusuf, ayaa loo haystaa inuu maleegay shirqoolka lagu Afduubtay Wariyaha, isla markaana ku dhowaaqay dalab Madax furasho oo gaaraya 20 Milyan oo Doollar, waloow aan la caddeeyn in la siiyay iyo in kale.

Wariye, Michael Scott Moore, oo ahaa Suxufi madax bannaan, waxna ka qora arrimaha Burcad Badeedda ayaa lasii daayay, 23-kii  September, 2014.

Sida ay sheegtay Maxkamadda Magaalada New York, Cabdi Yuusuf ,oo 51 jir ah, oo ku dhashay Magaalada Muqdisho, haystana dhalashada Maraykanka ayaa wajahaya dacwado kale oo ay ka mid yihiin Afduub iyo haysasho Hub Sharci darro ah.

Isha/ Indebendent

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xarigga ka jaray Saldhig Boliis oo laga hirgeliyay Baladweyne

0

Baladweyne-(SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan, C/raxiin Muxumed Taakooy, ayaa Xarigga ka jaray Saldhig Boliis oo laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne.

Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa Saddexdii Bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka Amisom iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay Amisom iyo Dadka degaanka oo Gacan ka geystay taabba gelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhammaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay Shacabka siin karaan adeeg tayo leh.

“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheennu siin karaan adeegyo tayo leh oo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.

Wuxuu sheegay in ay Magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya Hal Saldhig oo ku yaalla Xaafadda Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.

Isku duwaha Booliska Amisom, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Boloiiska Soomaaliyeed.

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

0

Pretoria-(SNTV)-Ugu yaraan Saddex Qof oo ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay mid kalana dhaawac culus ayaa soo gaaray, markii ay kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah weerar ku qaadeen Meherado ay ku lahaayeen Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalkaasi

Meydadka Saddexda Qof oo dhammaantood Rag ahaa ayaa Maanta lagu aasay duleedka Magaalada Pretoria, halka Ninka dhaawaca ah oo ay xaaladdiisu liidatana lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee Magaalada.

Mahad Geeddi Salaad oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Pretoria, ayaa BBC-da u sheegay in ay Jaaliyadda ku sugan halkaasi qabanayaan kulammo lagaga arrinsanayo dilalka soo laalaabtay, maaddaama ay laamaha ammaanku wax ka qaban waayeen cabashadooda.

“Waxaan u malaynayaa in ay Ragga dhaca geysanaya ay tababaran yihiin, waayo markii hore marka layska celiyo ama lala dagaallamo ayay Dadka layn jireen, hadda Qofka ayay dilayaan ka dibna wey dhacayaan”, ayuu yiri Mahad.

Weerarradan lagu ugaarsanayo Dadka Ajaanibta ah ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika ayuu ku macneeyay Mahad, mid barakicin ah oo lagula dagaallamyo dhaq-dhaqaaqyada iyo howlaha ganacsi ee ay halkaasi ka wadaan.

Wasiirka Gaadiidka & duulista hawada Somaliaya oo la kulmay madaxda Gobolka Minnesota.

0

USA-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Dalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo  wafdi uu hoggaaminayo ayaa  booqday Magaalada, Saint Paul ee Gobolka Minnesota Dalka maraykanka.

Madaxda uu la kulmay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka,  keith Ellison, Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee laga so doorto Gobolka Minnesota, Guddoomiyaha Guddiga Gaadidka Hawada Golaha wakiilada ee Gobolkaas , Mr Frank Hornstein.

Kullanka Wasiirka iyo  Madaxda Gobolka Minnesota oo Saacado qaatay waxay kaga wada hadleen iskaashiga Labada Dal, horumarka Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota iyo Gudaha Soomaaliya.

Wasiir, Oomaar, ayaa Xeer ilaaliya u sheegay in Dalka Soomaaliya uu soo hagaagayo, Dowladda Soomaaliyana ay ku dhaqaaday horumar la taaban karo, sidaa darteedna uu marti qaad u fidiyey Xeer Ilaali  guud Mudane,  Kieth Ellison, oo kal hore yimid Dalkeenna.

M; Keith Allison, Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesota , ayaa sheegay in uu booqon doono Dalka Soomaaliya mar kale, wuxuuna wasiirka iyo marti sharafta kaleba uga mahad celiyay sidii diirranayd ee munaasabaddaasi loogu casuumay iyo sida loo maamuusay.

Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Hawada gollaha Shacabka ee Gobolka Minnesota,  Xildhibaan Frank Hornstein ayaa  dhankiisa soo dhaweeyey dedaallada ay waddio wasaaradda duulista hawada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo wasiir Oomaar ay iskula soo qaadeen sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Labada dhinac.

”Mahacaygu waa Franka Hornstein waxaan ahay Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka hawada ee Golaha Wakiilada Gobolka Minnesota, waana ku faraxsannahay in aan soo dhaweeyo wasiirka Wasaaradda gaadiidka Hawada Soomaaliya, waxaana is dhaafsannay wax yaalo badan oo muhiim in aan wada qaban doonno  si wada jir ah,  tan kale waxaa i xiisa galinaysa in aan  maqlo  in  la ballaarinayo qalabka hawadda Muqdisho, si ay ugu fududaato in Dad badan ay Soomaaliya soo booqdaan”

Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Gollaha Degaanka Magaalada Magaalada, Saint Paul,  waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey  Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Magaalada ,Saint Paul,  Qaasim Busuri , oo ah Soomaaliga kaliya ee ku jira  gollaha Degaanka Magaallo Madaxda Gobolka, Waxaana Wasiirka ku Weheliyey  Xogahaya koowaad Safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Mareykanka Mudane Abdirahman Bashiir.

Wasiirka oo ka qeyb galay Casha sharaf ay u sameeyeen ganacsatada  Soomaaliyeed iyo wax garadka Gobolka Minnesota, wuxuuna Wasiirku uga warramay xaaladda Dalka iyo doorka ay ka qaaadan karaan qurba joogta Soomaaliyeed dib u dhiska iyo dar-dargalinta horumarka Dalkeena Hooyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka hadlay wada hadalada DFS iyo Soomaaliland

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa  soo hadal qaaday in wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland  ay socdaan dadaallo ku aaddan arintaasi, isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Dhab u heshiisiinta Qaran ee dalka laga hirgelin doono…

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal badan lagu bixiyey  sidii loo baajin lahaa loona heshisiin lahaa colaadihii ka jiray deegaanno ka tirsan Galmudug,  waxaana Tubta siyaasadda loo dhan yahay qeybta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku xusan Halbeegyada dhaqangelinta Dhab u heshiisiin Qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre: Aan u Midowno Dowladnimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Khayre, oo Maanta soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka.

“Qabyaaladda iyo qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa oo meel walba aaba iyo hooyo u ah. Kulligeen aan u midowno in aan musuq-maasuqa la dagaalno. Dawladnimada Soomaaliyeed oo isu keeni lahayd umadda Soomaaliyeed, soo celin lahayd karaamadeenna, soo dedejin lahayd dib-u-heshiisiinta, aan u midawno, dhexda u xiranno dhibbay rabtaaye aan ka wada shaqayno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir-waynaha ayaa lagu soo bandhigay ujeeddada guud ee hannaanka dhab-u-heshiinta qaran oo noqonaya habraac la isku raacsanyahay oo gun-dhig iyo hage u noqda dhab-u-heshiin qaran, taas oo dadka Soomaaliyeed ka bogsiinaysa ayna uga gudbayaan dhibkii dhex maray, soona celinaysa is-aaminaaddii, waddaniyaddii iyo wanaaggii, xoojinaysana kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, isla markaana u horseedaysa horumar iyo soo-kabasho bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa halbeegyada ugu jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in sannadkaan ay ku xaqiijiso waxaa kamid ah horumarinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka oo aasaaskiisu yahay dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, si ugu dambayn golaha wasiirrada loo hor-geeyo loogana dhigo sharciga dhab-u-heshiinta Qaran.

AMISOM oo Ciidanka Soomaaliya ku wareejineysa Kulliyadda jaalle Siyaad

0

Muqdisho-(SNTV)-Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in daba yaaqada Bishan ay ka baxaan Kulliyadda Milliteriga ee Jaalle Siyaad, halkaas oo ay ku sugnaayeen muddo ku dhow Toban Sano.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, oo qeyb ka ahaa kormeer uu Wasiiru Dowlaha Difaaca Soomaaliya ku tagay halkaasi ayaa sheegay in ay ku wareejin doonaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, markii ay soo gaba-gabeeyeen dayac tir ay halkaasi ka wadeen tan Bishii December ee Sanadkii hore.

Amb; Madeira, oo uu kormeerkiisa ku wehliyay Wasiiru Dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Maxamed Cali xagaa, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo Amisom, ayaa waxay Indha-indheyn ku sameeyeen goobo la dayactiray oo ka mid ah xarunta Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya , Maxamed Cali Xagaa, ayaa uga mahadceliyay Amisom taageerada joogtada ah ee ay u hayaan geeddi-socodka nabadeynta Dalka, gaar ahaan Ciidanka Burundi oo halkaasi ku sugnaa tan iyo 2011-kii.

“Waxaan doonayaa in aan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciidanka Burundi ee naftooda u huray,  si ay Gacan uga geystaan soo celinta xasilloonida Dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Gen; Leonidas Niyungeko, oo ka mid ah Saraakiisha howl-galka Amisom ee halkaasi ka hadashay ayaa ballanqaaday in ay taageero buuxda siin doonaan mar walba Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo soo celiyo nabad gelyada Dalka.

Dabayaaqada Bishan oo lagu wado in ay Ciidanka Burundi ka baxaan Kulliyaddan ayaa noqoneysa xaruntii Saddexaad ee ay ku wareejiyaan Gacanta Dowladda Soomaaliya, iyagoo July 2017-dii banneeyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, halka Garoonka Stadium Muqdisho ay ka baxeen Bishii Agoosto 2018.

Ciidamada DFS oo weerar qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (SNTV):-Wararka aan ka heleyno Deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taageera ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada Kumaandooska Dowladda iyo kuwa mareykanka ah ayaa la sheegay inay labo Diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyada Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Sarakiil ka tirsan kuwo Howlgalka fuliyey ayaa sheegay in u jeedku ahaa sidii loo burburin lahaa xarumaha Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baladul-amiin.

dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Alshabaab.

Hirshabeelle oo u diyaar garoobeysa buuxinta kaalinta howlgalka AMISOM ee deeganadooda

0

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in ay howlahooda nabad ilaalineed ka sii wataan Hirshabeelle Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah hol-galka Midowga Afrika ee Amisom.

Mudane, Waare ayaa sheegay inay in dedaallo badan oo ay sameeyeen ka dib u suurto gashay in wax laga beddelo qorshihii  ahaa in ay mar qura ka baxaan 1000 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi, gaar ahaan degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweyne , Waare oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in safarkii uu Madaxweynaha Dalku dhawaan ku tagay Dalka Burundi uu qeyb ka ahaa wax ka beddelka jadwalka ay Ciidanka Burundi doonayeen in ay kaga baxaan Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in qorshaha ka bixista AMISOM ee Hirshabeelle ay Hurdo ka toosin u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna xusay in ay jiraan kulammo ay la qaateen Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska AMISOM , si loo siiyo waqti ay ugu diyaar garoobaan in ay la wareegaan ammaanka.