Home Blog Page 1085

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururada Iskaashatooyinka Kaluumeysatada Soomaaliyeed,iyagoo ka wada hadlya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Kaluumeysatada.

Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa Wasiirka Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaasha Ururada Iskaashatooyinka Soomaaliyeed,waxaa ay xooga saareen arrimo ay kamid yihiin diwaangelinta doomanka kaluumeysi,Kalluumeysatada iyo habka bixinta ruqsadaha kalluumeysi oo ay bixiso Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Soomaaliya ay sameyso suuq geyn dibadd aah kaluunka dalka,iyo in la abuuro hab cusub oo lagu uruurinayo  laguna keydinaya xogaha arrimahaasi la xiriira.

Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in suuqa ugu weyn ee Kalluunka Soomaaliya laga furayo Muqdisho,gaar ahaan Xamarweyne.

Ugu dambeyntii wuxuu ku booriyay Kaluumeysatada in ay ilaaliyaan oo ay ka taxdiraan tayada iyo nadaafadda Kalluunka ay iibinayaan si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada,maadaama ay cabashooyin ka imaanayaan xiliyada qaar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa diirada lagu saarayaa sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah  noloshooda,  loona daadajin lahaa maamulka.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in u jeedka madashaan loo dhisay ay tahay Horumarinta golayaasha deegaanka, Hirgalinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha Barakacayaasha.

Wasiirka ayaa ayaa sidoo kale tilmaamy in degmooyinka ay sal dhig u yihiin in helo dhab u heshiin waarta iyo xal Waara oo loo helo dhibaatooyinka haysta dadka Barakacayaasha ah, isagoo sidoo kale sheegay in laga doodayo
Dajinta qorshaha  xasilinta deegaanada la xureeyay.

Wasiirada dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa bogaadiyay rajana ka.muujiyay natiijada ka soo bixi doonto.

Shirka madasha Wadajir waxaa uu soconayaa 3 maalmood waana kii 12aad,  waxaana la filaya in lagu dajiyo qorshaha xasilinta iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dalka  ee lagu howl galayo sadaxda bil ee soo socoto.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la Kulmay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Ali Mohamed ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Sarakiil ka socotay Midowga Yurub.

Mudane Hassan Ali Mohamed  Wasiirka Difaaca XFS ayaa sheegay in saraakiisha Midowga Yurub uu kala hadlay xoojinta Xiriirka Iskaashi iyo Milatari ee ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaata Tababar siinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo uu qorshu yahay in ay Amniga kala Wareegaan Ciidamada AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Shaqo ugu Ambabaxay Dalka Qatar

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.

Jaaliyadda dalka Mareykanka oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiirka Gaadiidka

0

Kullan-weynahan ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ee Gobalka Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo dhaweynayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Mareykanka.

Waxgaradka, Haweenka, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo madasha soo dhaweynta ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu Wasiirku qabtay muddadii uu xilka hayay iyo guulaha ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Jaaliyadda ayaa si gaar ah Wasiirka ugu amaanay dadaalada mira-dhalay ee la wareegida Hawada Soomaaliya iyo soo celinta hadda loogu jiro Shirkadii Diyaaradaha ee Somali airlines oo uu dadaal badan galiyey.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Wasiirka, wuxuuna ku ammaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed  dadaalka ay ka wadaan dalka iyo dibaddisa. ..

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka mahadceliyey kulanka ay u qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle, wuxuuna sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dowladnimada Soomaaliya iyo sidii ay sameynta ugu yeesheen siyaasadda dalka ay kunool yihii ee Mareykanka.

Mudane Oomaar wuxuu Jaaliyadda warbixin ka siiyey howlaha shaqo ee ay qabatay dowladda Federaalka iyo howlaha muhiimka ah ee ay qabatay Wasaaraddiisu, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladooda.

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda Dalka arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirka maanta ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha isxilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Kulan wadatashi ah u qabatay Hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Maamulka Galmudug

0

Muqdisho (SNTV) Kulanka wada-tashiga ah oo muhiimad ballaaran u leh horumarka dalka iyo deegaannada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada Baarlamaanka, Agaasimayaasha Hay’addaha Dawlad gobaleedka Galmudug iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Inta uu socday kulanka ayaa la qeexay hab-raaca Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ,tiirarka uu ka kooban yahay, yaraynta saboolnimada iyo geeddi-socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Hay’addaha dowlad gobaleedkan Galmudug ayaa soo dhaweeyay wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad oo ahmiyad weyn u leh Galmudug iyo guud ahaan dalkaba.

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka  Galmudug ee ka soo kala jeeda dhammaan  deegaannada maamulka ayaa soo bandhigay xogaha dhabta ah ee ka jira deegaannada qaar ee ay gacanta ku hayso Galmudug iyo xaaaladaha ka jira, isla amrkaana soo badnhigay hannaanka saboolnimada halkaasi ka jirta.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa soo bandhigay talooyin ku aaddan waxa sababay saboolnimada ka jira deegaannada Maamulka Galmudug iyo qaabka hadii la qorsheeyo looga baxi karo, wax ayna Golaha Wakiillada Galmudug bogaadiyeen qaabka wanaagsan ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay u waddo wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Wasiirka Qorshaynta Dowladd gobaleedka Galmudug  Mudane Cabdi Kafi Maxamed Maxamuud ayaa qiray in howl adag maalmahan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ay wadeen oo ku aaddan Wada-tashiga Qorsaha  Horumarinta Qaranka 9aad, ka Galmudug ahaana qiimo wayn ugu fadhiyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socata Dowladd gobaleedka Galmudug iyo sida wanaagsan oo ay ugu qeyb qaateen wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Agaasime Asad ayaa sharraxay muhiimadda wada-tashiga uu u leeyahay dalka iyo in la dhageysto ummadda waxa ay leedahay loona qorsheeyo  “ hada wareegga kowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ayaan ku jirnaa waxaan Sameyn doonaa ilaa sadax wareegg kale oo aan la yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan, waan idinku soo laaban doonaa si aan u dhageysano taladiina”

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo Ankara uga qeyb galay Doorashada Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga

0

Ankara (SNTV): Waxaa magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guud iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (UMASET).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibaanno ka tirsan  labada  Aqal  ee baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga yo Howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee Ankara ayaa goob-joog ka ahaa doorashada.

Doorashada oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha UMASET Shacraawi Maxamed Bashir Halka Guddoomiyaha Gollaha dhexe loo doortay Cabdullaahi Isaaq Cumar oo ah arday heerka labaada ee jaamacada (Master ).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku bogaadiyay Ardayda wax ka barata dalka Turkiga in ay ka faa’idaystaan fursadaha ay maanta haystaan oo aysan heysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah, isagoona u Hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub  ay doorteen Ardayda.

Ururka Ardayda UMASET ayaa la aas aasay February 2015 taasi oo dabooshay baahidii ay ardayda Soomaaliyeed ee dalka turkiga u qabeen Urur ay ku mideysan yihiin Ardayda  Soomaaliyeed ee waxkabarta  dalka Turkiga, iyadoona kaalin aas aaska Ururka uu ka qaatay U qeybsanaha Arimaha Tacliinta Hidaha iyo dhaqanka  ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Cabdicazis Sheekh Cabdiraxmaan.

ifrah Abdullahi (Ankara)

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo noqday

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Sweden, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dad shacab ah ku xasuuqay Gobolka Sh/hoose

0

Muqdisho (SNTV):- Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeyso deegaanada Lafoole iyo Carbiska ay ku dileen 9-ruux oo lix ka mid ah yihiin Dumar.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare ayaa SONNA u sheegay in dadka la dilay ay ka shaqeynayeen Barnaamij isxilqaan oo geedaha laga jarayay wadada hareeraheeda,halkaasina ay ku soo weerareen maleeshiyo gaari wadatay oo xasuuqa u geystay dadkaasi masaakiinta ah.

“ Dad masaakiin ah oo loogu talagalay arrin isxilqaan ah oo annaga aan abaabulnay oo ka shaqeynay iney geedaha ka jaraan wadada ayaa nimanka nabad diidka ah u yimaadeen kuna xasuuqeen, iyagoo halkaasi ku dilay 9-ruux oo lix ka mid ah ay yihiin Dumar,sidoo kale maleeshiyada ayaa horay u watay gabar dhexda ayay ku dileen,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay u gurmadeen dadkii waxyeelada soo gaartay,islamarkaana ay ku daba jiraan kooxaha arxan laawayaasha ah ee weerarka soo qaaday.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku tilmaamay maleeshiyada Al-Shabaab iney yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada,islamarkaana si joogta ah u beegsadaan shacabka si iskood ah u dhisanaya dalka.