Ciidamada Amniga oo hawlgal ka fuliyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose

Date:

Marka (SNTV)- Ciidamada amniga ayaa howlgal si wanaagsan loo diyaariyay ka fuliyay deegaanka Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalka oo dhacay habeenimadii 30-ka March ayaa lagu soo qabtay Horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo Ciidamadu ay doon doonayeen.

Ma jirto waxyeelo kasoo gaartay ciidamada iyo shacabka toona inta uu socday howlgalka laga fuliyay deegaanka Awdhiigle ee Goobolkaasi.

Hawlgalkan ayaa dhacay 24-saac ka dib markii Ciidamadu ay hawlgalkaan mid la mid ah ku burburiyeen saldhig argagixiso ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...