Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo uga qeyb galayo shirka wadatashiga ee Wasaaraddaha Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhammeystiran.

“Maanta waxaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo aan uga qeyb gali doono shirka wadatashiga ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda,Hiddaha  iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaa diirada ku saari doonaa  horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaa  madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galintii shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  iyo  kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka”ayuu intaasi ku daray Mudane Goodax.

Shirkan ka furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doona muddo afar maalmood ah kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...