Home Blog Page 1084

Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Puntland.

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa uga gollahaa Korjoogtayna hawlaha shaqo ee ay hayaan xafiisyada taliska Guud ee ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo kala ah

Xarunta CID-da Puntland, Qaybta gobolka Nugaal iyo Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan kormeeray xafiisyada Taliska ciidanka Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiisha ciidanka Booliska, cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Madaxweynaha siiyey salaan sharaf iyo masuuliyiin kale, waxaana uu Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Taliye Xigeenka ciidanka booliska iyo saraakiisha ciidanka isagoo ka xog waraystay habsami u socodka hawlahooda shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisemed Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey muhiimadda Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeer ku sameeyey Taliska Ciidanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxa uu kormeeray Madaxweynuhu dhammaan xafiisyada Taliska ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal, Maxkamadda ciidamada qalabka sida, heer Gobol iyo heer Puntland-ba, qaybta hogaanka dembi baadhista CID-da, halkaasi oo aanu kala kulanay dhalinyaro ay tababareen ilaa haddana ay gacanta ku hayaan hay’adda Bank Kraft, kuwaas oo 20 qof ah, kuna soo bandhigay tababarka ay qaateen xarunta dhexdeeda si xirfadu ku jirto.

“Kadib waxa uu Madaxweynuhu shir la qaatay saraakiishii Booliska ee halkaasi ku sugnayd, waxa uu Madaxwdeynuhu u soo gudbey kormeerna ku sameeyey Xarunta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta qaybaheeda kala duwan iyo qayb cusub oo lagu soo kordhiyey wasaaradda taasi oo uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, xafiis kaas oo loo bixiyey Xafiiska diwaan gelinta saraakiisha fursadda u helay inay tababaro kusoo qaataan dalka dibaddiisa, isla markaana aan xilhayn una diyaarsan ka qayb noqoshada laamaha Amniga iyo ciidamada”

Duqa Muqdisho oo daah furay Mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira.

Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF oo bogaadisay kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhabaha geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

IMF waxaa ay sheegtay in la soo geba gebeeyey dib u eegistii ugu horeysay ee ku aadan hanaan dhanka la socodka maaliyadda oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo DFS,kaasi oo ka saacidaya Dowladda Soomaaliya dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka,dib u habyn siyaasdeed hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loo abuuro degnaansho dhaqaale guud ahaan dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,kobaca daqliga soo gaala dowladda,taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey sidii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha,waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ku timid go’aan dhab ah oo ay latimid dowladda Soomaaliya,iyadoo muujisay in barnaamijkaasi si dhab ah loo hirgeliyo,lana sii joogteeyo,inkastoo lagu xusay in caqabado ay iska jiraan.

‘’Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu sii kordhayaa,dib ayuuna u soo kabanayaa,balse waxaa loo baahanyahay in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dhaqaalaha,si loo yareeyo faqriga iyo gaajada,ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Hay’dda IMF Warbixinta ay soo saartay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shaxda lasoo bandhigay November 2018 ay muujisay in dakhliga gudaha dalka laga soo aruuriyay uu gaaray $161 million, oo ka dhigaysa in 31% uu ka badnaa sannadkii hore ee 2017,sanadkii 2018 wuxuu ahaa kobaca dhaqaale 3.1 halka 2019 lafilayo in uu gaaro 3.5.

barnaamijka SMP waa hanaan dhanka la socodka maaliyada oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dowladda Soomaaliya,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda Xukuumada Somaaliya,waxaana warbixinta lagu sheegay in guulahaasi ay ku yimaadeen qaadista canshuuraah gudaha ee dalka.

Hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo kuwa gar gaarka ayaa Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u gaari lahayd isku filnaasho,yerenta faqriga,shaqo abuur loo sameeyo bulshada.

Dadaaladan ay waddo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta in ay horseedayaan in ugu dambeyn deymaha laga cafiyo Soomaaliya,si ay u gaarto heer isku filnaashiyo ah.

Qorshayaasha ay waddo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxaa kamid ah sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo ay Soomaaliya leedahay,taasi oo ku imaankarta in lagu guuleysto hanashada taageerada hay’adaha dhaqaale ee caalamiga ah,kuwaasi oo haatan garab istaagan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Nigeria

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari oo markale dib loo doortay.

‘’Nigeria waa dal taariikh ahaan xiriir xoogan uu inagala dhexeeyo,waxaana doonaynaa in aanu xoojino ilaaqaadka nagala dhexeeya,hambalyo madaxweyne Buhaari,waa aan wada shaqeyn doonaa’’. Ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhambaalkan diray,isagoo ku sugan dalka Qatar.

Madaxweyne Buhari oo 76 jir ah ayaa k aguuleystay ninkii la loolamayay Atiku Abubakar 72 jir ah oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi.

Codadkii l atiriyay ayaa Buhari wuxuu heley 15.2 Million halka Atiku Abubakar uu heley 11.3 Million,taasi oo ka dhigtay in Mr Buhari uu markale sii hogaamiyo dalkasi.

Ka qeybgalka dadweyne ee gobolada ayaa aad u yaraa,inkaasto dhanka Waqooyi ay badnaayen,waxaana Buhari uu ku guuleystey hanashada codadka gobolada dhaca dhinaca waqooyi ee dalkaasi Nigeria.

Sanadkii 2015 ayuu ku guuleystay in uu noqdo hoggaamiyihii ugu horeeyey ee mucaarad ah oo madaxweyne noqda,waxaana guushiisa ka sokoo horyaala arrimo badan oo ay kamidka yihiin xal u helidda ammaanka,iyo qalalaasiyaha dhinaca dhaqaalaha ee dalkaasi oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Golaha Wakiilada K/Galbeed oo cod aqlabiyed leh ku meel mariyay Golaha Wasiirada

0

Baydhabo(SNTV) Kalfadhigii 7-aad kulankiisi 2-aad oo ay isugu yimaadaan Golaha wakiilada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ajandihiisu ahaa codka kalsooni siinta Golaha Wasiirada uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulankaasi oo uu shir guddoominayay guddoomioyaha Baarlamaanka kaga codsaday xildhibaanada in ay codka kalsoonida siyaan wasiirada uu dhawaan magacaabay,si loo dardargeliyo howlaha horyaala.

Intaasi kadib ayaa la gudaha galay ajandaha,waxaana soo xaadirtay 124 xubnood oo xildhibaano ah,kuwaasi oo cod aqlabiyed leh ku meelmariyay Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,123 ayaana ogolaatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku dhawaaqay natiijada,isagoo xusay in ay ansax yihiin xubnaha Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,ayna gudan karaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyntii madaxweynaah Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyay golaha baarlamanka sida ay kalsoonida u siiyeen golihiisa wasiirada.

Isla goobtaasi ayaa lagu dhaariyay wasiirada,waxaana lagula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka horyaala.

Shirka Madasha Wadajir oo Maalinkii Labaad galay

0

Muqdisho (SNTV) Shirka Wadajirka ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay.

Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha Golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha.

Waxaa ku soo biiray shirka wakiilo ka socda Hey’adaha caalamiga ah ee taageera sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, Xasilinta, dib u heshiisiinta iyo Dhismaha golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhaweeyay Hey’adaha caalamiga ah ee ka qeyb galaya shirka isaga oo bogaadiyay habsami u socodka shirka xogaha la xiriira horumarka iyo caqabadaha heer deegaan ee ka qeyb galayaasha la socda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubno ka socda Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 20-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Muqdisho (SNTV):-Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa saaxiibadooda meel u dhaw magaalada Baladwayne 25-ka bishaan ayaa lagu dilay 20-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Meeshan uu howlgalka qorsheysan ka dhacay ayaa sidan oo kale lagu dilay 30 Ka tirsan Alshabaab 30-kii Janaayo ee sanadkaan.

Howlgalkan waa mid Ka mid ah talaabooyinka joogtada ah ee Ciidamada qaranka iyo saaxiivadooda caalamiga ahi ugu diidayaan shabaab in ay nastaan helaanna waqti ay isku abaabulaan si ay u waxyeeleeyaan shacabka soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa saaxiibadooda ah ayaa waxay howlgallo qorsheysan ka wadaan gobolada dalka,kuwaasi oo lagu Khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo gaaray magaaladda Doha ee Dalka Qatar

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Doha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Booqashadaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.

Eng.Yarisow iyo Danjiraha dalka Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum

0

Muqdisho (SNTV)-, 26, Feb, 2019—- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa.

Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Danjiraha dalka Suudaan ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo soo celiyo dhulkii xarunta u ahaa Safaaradda dalkiisa ee ay u qorshaysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrinkaas oo uu aqbalay Guddoomiyaha Gobolku.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo iskaashiga iyo xiriirka wada shaqeynayd ee ka dhaxeeyey Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum, iyadoona la is-dhaafsanayo khibradaha iyo qorsheyaasha la xiriira ilaalinta deegaanka, xaqiijinta bilicda iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Suudaan kaalinta ay ka qaadataan waxbarashada dhallinta Soomaaliyeed, maadama dalkaas uu hooy u yahay kumannaan arday oo waxkabarta Jaamacadaha dalkaas, sidoo kalena macalimiin Suudaan u dhalatay ay bareyaal ka yihiin qaar ka mid ah xarummaha waxbarashada Caasimadda.

 

 

Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Muqdisho (SNTV)– Waa shir seddexdii biloodba mar ay isku yimaadaan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyeyaasha caalamka, kaasoo lagu soo bandhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Banaadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha cadaalada ka shaqeeya, sidoo kale dowladaha Denmark iyo Holand ayaa ka mid aha ka qayb galayaasha shirka maanta.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay shirka ayaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha cadaalada dalka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la sii balaariyo, isaggoo halkaa ka sheegay in dhawaan la dhisi doono golaha adeegga garsoorka iyo kan la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shirka kusoo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bilihii dambe waxaa sidoo kale la soo bandhigay daraasaad iyo xog uruurin laga sameeyay helitaanka cadaaladda ee bulshada, taasi oo laga sameeyay guud ahaan dalka.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa markii uu soo idlaaday Shirka oo saacado qaatay ka hadlay muhiimada uu lahaa Shirkaasi iyo xogtii lagu soo bandhigay.

“Shirkaanw aa mid Seddexdii bilba mar aan yeelano bahda cadaaladda ee Heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaa nagala qayb galay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo deeq bixiyaasha oo runtii ad u ammaanay xogta lagu soo bandhigay, waxaana uu qayb ka yahay shirarka looga hadlayo hormarinta hanaanka cadaalada dalka, waxaan rabnaa oo aan halkaana ka sheegnay in sanadkaan aan dhameestiri doono dhismaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeega garsoorka oo hadda meelgaba-gaba ah noo maraya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.