Home Blog Page 1084

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo sheegay in hab raac sax ah aan loo marin warbixintii guddiga Maaliyada

0

Muqdisho November 24 (SNTV):-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo  shir Guddoominayey Kulan ay yeesheen Golaha shacabka ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay warqad ay ku saxiixanyihiin Toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka, waxaana warbixinta golaha u arkhiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga  ka mid ah.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha ka horjeediyay warbixin miisaaniyadeedka 2018-ka oo eedeymo horey loogu soo jeediyay, waxa uuna ka jawaabay su’aalihii  eedeymahaasi la xiriirtay.

Sidoo kale Wasiiru-Dowlaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan Miisaaniyadda 2018-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada, isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

“Warbixin guddi marka Golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah, mana la soo marsiin waana gef, raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa, dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala, ansixintii iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii, yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed, intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay

0

Muqdisho November 24 (SNTV):-Shirkaan ay yeesheen Wasiirada Cadaaladda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ah mid sanadle ah ayaa ka qabsoomay sanadkaan Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan halkaas oo uu daah furay Madaxweynaha dalkaasi General Cumar Xasan Al bashiir oo khudbad ka jeediyay .

Soomaaliya waxaa uga qayb galay Wasiirka Cadaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo Shirkaas ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay hanaanka Cadaalada Dalka iyo sida wasaaradu ugu howlantahay hagaajinta Garsoorka dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka oo warbaahinta Qaranka kula hadlay xafiiskiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay Shirkaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qayb gashay.

“Shirka waxaa uu ahaa mid sanadkiiba mar ay yeeshaan wasiirada cadaalada dalalka jaamacadda Carabta waxay ahayd markii ugu horeeyay ee aan ka qayb galnay waxaan ku soo bandhigay dadaalada aan ku xoojineyno hay’adaha cadaalada dalka waxaa uu noo ahaa mid muhiim ah” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo badan oo muhiim ah isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dadaalkeeda ka gonaanshaha hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Xubno matalaya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka qeyb galaya Shir ka dhacaya Istanbul

0

MUQDISHO (SNTV)-  Ganacsato Soomaali ah oo gaaraya ilaa 20-ruux ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalaya shirka Ganacsiga Caalamiga ee shirkadaha Turkiga kusoo bandhigaan wax soo saarkooda ganacsi ee ka socda magaalada Istanbul ee cariga Dalka Turkiga.

Shirkadaha dalka Turkiga ayaa shirkaan kusoo bandhigaya alaabaha kala duwan ee ganacsiga oo ay doonayaan in ay u suuq geeyaan caalamka intiisa kale, waxaana uu soconayaa mudo afar maalin ah .

Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Africa ku nool ayaa xilligaan loo arkaa qaar ka mid ah ganacsatada Caalamka ee dhaqaajin kara wax soo saarka turkiga uu doonayo in uu caalamka gaarsiiyo, waxaana xariir wanaagsan oo ganacsi uu dhaxmarayaa ganacsatada Soomaalida iyo kuwa turkiga oo ka wada shaqeyn doona arrimaha ganacsiga, heshiisyo caalami ahna kala saxiixan doono shirkadaha Turkiga.

Safaaradaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ku leeyihiin dalka Koonfur Africa iyo hey’ada ganacsiga ee lagu magacaabo Muziad Trade ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa iska kaashaday fududeynta in shirkaan markii ugu horeysay ay ka qeybgalaan ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Africa.

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano hoostaga Balad-Xaawo

0

Baladxaawo (SNTV) Ciidamada ammaanka ayaa hawlagallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay maleeshiyaadka Argagixisada ay ka xirtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dagaal maleeshiyada khasaare lagu gaarsiiyey ayaa shalay galab dhex maray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada, kaasi  oo Argagixisada looga furtay saanad ciidan, tira ka mid ah maleeshiyaadkoodana looga dilay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha horgacaysa Howlgalkan.

Bulshada magaalada Baladxaawo ayaa ciidamada ku taageeraya halwgalka jidadka lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolku u sahlanaado oo maciishaddu u raqiisto.

Laba maalin ka hor ayay maleeshiyada Al-shabaab magaalada Baladxaawo ku dishay Nabadoon magaalada caan  ka ahaa, waxaana ay afduubeen laba wiil oo uu dhalay oo mid ka mid uu ahaa saqiir.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal

0

Muqdisho, Nofeembar 24, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.

DHAMMAAD

Ciidamada ammaanka oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay Heliwaa

0

Muqdisho (SNTV):–Ciidamada NISA, booliska iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay Degmada Heliwaa, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya AS”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA

Ciidamada Amniga ayaa had iyo jeer wado dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darada ah ee kooxaha Argagixisada, iyagoo gacanta ku soo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad maleegayay weerarro Argagixiso kuwaas oo la rabay in waxyeelo loogu geesto Shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u soo celineyso shruucdii wax barashada

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaradda Waxbrashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso sidii ardeyda Soomaaliyed ay u heli lahaayeen Waxbrasho tayo leh.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” aya sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare ah oo qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin  lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed hello  Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka taasna waxaa tahay mid aan dhamaanten kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas” Sidaas waxaa sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Waxaa uu sheegay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa dadaal ugu jirta siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa.

shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ka furmay Istanbul

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay maanta shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.

Waxaa ka qeyb galay 200 Shirkadood oo Turki ah, Dhanka Soomaaliya, waxaa uga qeyb galey wafdi uu hogaminayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Madaxa Iskaashiga Maalgashiga Turki iyo Carab, Mudane Cadhar subuxi.

Wasiir Cabdifataax Geesey oo kahadlay furitaankii shirka ayaa sheegay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya qalabkan dhismaha, maadaama aanan dib u dhis lagu sameyn ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe oo hada dib looga soo kabaneyo qalabkana uu wax wayn ka bedeli doono muhiimna uu u yahay Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah oo ay Ganacsatadu ku soo bandhigi doonaan qalabka dhismaha qeybihiisa kala duwan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO GABOGABEEYAY BOOQASHADII RASMIGA AHAYD EE UU KU JOOGAY TALYAANIGA

0

Istanbul (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico.

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo maanta ka qeyb qaatay Ololaha IS-XILQAAN

0

Muqdisho (SNTV)-Maamulka, howlwadeennada iyo ciidanka Madaxtooyada ayaa maanta ka qeyb qaatay olalaha Barnaamijka ISXILQAAN ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Dhismaha ka socda Tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda ayay howl wadeenaddu ka qeyb qaateen iyaga oo lix saacadood oo xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey soo nooleynta xarumaha danta guud ee dalka.

Maareeyaha tiyaatarka Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha hoyga murtida iyo hanuuninta ee National Theatre. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shaqaalaha madaxtooyada ee maanta shaqada lahaa iyo dhammaan shaqaalaha dowladdu ay meel fiican soo gaarsiiyeen dhismaha Tiyaatarka.

Dhinaca kale maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha tiyaatarka ugu qeyb qaatay agab isugu jira Shamiito, badiillo, Sakeello, Xaaqimmo Iyo fargeetooyin kuwaas oo lagu wareejiyay guddiga gacanta ku haya dhismaha.

Shaqaalaha maanta ka qeyb galay Barnaamijka ISXILQAAN ee ka socday Madaxtooyada ayaa gaarayay 600. Iyada oo 200 oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo 26 July ee sanadkaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.