Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku matalaya Madaxweynaha Shir Madaxeedka Carbeed ee Tunisia

Date:

Tunis (SNTV): – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed.

Shir madaxeedka Carbeed ayaa looga hadlayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...