Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xerada Generaal Gordan Ku Kormeeray Ciidamo Loo Diyaariyay Howl-gal Ka Dhan Ah Argagaxisada

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...