Guddoomiyaha Gobolka oo ka warbixiyey hawlgallo amni oo ka bilaabmaya Muqdisho

Date:

Muqdisho, Maarso 31, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed ee dhexda u xirtay sugidda iyo adkeynta amniga dadkooda iyo dalkooda.

“Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu.”

Eng.Yarisow ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka garaabaan caqabadaha dhanka isu socdka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku, sidoo kalena ay gacan ka gaystaan baaritaannada iyo dabagalka lagu wado argagixisada doonaysa in ay dhibaateeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...