Madaxweynaha Algeria oo ku dhawaqay in uu iscasilayo ka hore 28 Bisha April

Date:

Madaxweyne Algeria oo  isniinti  ballan qaaday inuu xilka iska casilayo ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa ku eg 28 bishan April 2019.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska  Madaxweynaha CabdulCasiis Butafliiqa,ayna baahisay warbaahinta dowladda Algeria.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa lagu ballan qaaday in hey’addaha dowladda ay shaqadooda sii wadan doonaan inta lagu guda jiro wakhtiga kala guurka oo dalka Algeria u gudbayo doorsho.

Bishi Feberuary ayay ahayd markii xisbiga talada haya ee dalka u sharraxeen CabdulCasiis Butafliiqa oo 82 jir ah in uu u tartamo xilka madaxtinnimada Algeria, balse bishi Maarso 11keedi ayaa madaxweyne Butafliiqa ku dhawaaqay in doorashadi dib loo dhigay,CabdulCasiis Butafliiqa ayaa soo xukumayay dalka Algeria tan iyo sanadkii 1999

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...