Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka hadlay dejinta ajandayaasha kulamada soo socda

Date:

SNTV:- Kulankii sedexaad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka ayaa Sidoo kale Goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka,
xubnaha gudiga joogtada ayaa kulanka kaga hadlay dejinta Ajendayaasha Kulamada soo socda ee kal-fadhigan 5aad golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha hortabinta u leh,
Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka markii uu soo  gaba gaboobay ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga hadleen sidoo kalena ay falanqeeyeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha Kulamada la filayo in fadhigan ay u qabsoomaan golaha,
Waxaa uu sidoo kale xog-hayuhu uu sheegay in xoogga la saarayo ilaalinta waqtiga kulamada Barlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn Doono maadaama labo Kulan oo kal-fafhigan 5aad ay u baaqdeen kooram la’aan Xillibaanadda ah si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejineed ee golaha shacabka.
 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...