Kulan looga hadlayay Aminga oo logu qabtay Boosaaso

Date:

SNTV;-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni aya caawa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka Gobolka Bari kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan  Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa caawa noo qabsoomay shir uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni la yeeshay dhammaan Hal-doorka dhallinyarada, aqoonyahaniinta iyo qaybaha kale ee dhallinyarta, shirkaasi waxaa looga wadahadlay xaaladda amniga magaalada Boosaaso, sidii laysaga kaashan lahaa xagga horumarka iyo hiigsiga dowladda”

“Shirkaasi wuxuu Madaxweynuhu ku faahfaahiyey qorshaha Xukuumadda hiigsanayso, Sidoo kale dhallinyradu waxay soo jeediyeen aragtida ay qabaan, waxyaabaha ay kusoo biirinayaan dowladda oo talo iyo tusaale ah, shirkaasi wuxuu kusoo dhammaaday jewi degan oo quruxbadan” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...