Home Blog Page 1083

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo noqday.

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana ay kawada hadleen  xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka: La Wareegidda Kulyadda Jaalla Siyaad waa tillaabo Amni oo Dawladdu Horay U Qaaday

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasab ciidanka xoogga dalku ay ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika (AMISOM) kala wareegayeen xarunta Tababarka Meleteriga ee Jaalla Siyaad, ayaa sheegay in dawladdu ay tillaabo wax ku ool ah u qaaday qorshaha ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in la wareegidda Kulyadda jaalla siyaad oo kamid ahayd Academia meleteriga ee ugu wanaagsan qaaradda Afrika, ay qayb ka tahay Meel marinta iyo hir-galka Qorshaha amniga qaranka, xilliga kala guurka, iyo hir-gelinta guud ahaan halbeegyada tubta amniga iyo caddaaladda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in qorsha ay Soomaaliya amnigeeda kula wareegayso sugidda amniga dhulkeeda iyo mawaadiniintiisa uu u hir-gelayo tillaabo tilaabo, ugu dambaynna qorshahaasi uu guulaysan doono.

Xarunta tababarka ciidanka xoogga ee Jaalla Siyaad oo ahayd meel taariikh wayn leh, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku sheegay in ay muhiim u ahayd tababarka ciidanka iyo saraakiisha ciiddanka xoogga dalka, sidoo kalana horay loogu tababaray ciidamo iyo saraakiil ka socday waddamada Burundi, jabuuti, Namibia iyo Rwanda, arrintaas oo muujinaysa in Soomaaliya ay qayb muhiim ah kasoo qaadatay amniga iyo jiritaanka ciidan ee Afrika.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in awoodoodii Shabaab la wiiqay oo la gala wareegay fariisimihii ay kasoo duullaan tegi jireen hase yeeshee ay billaabeen qorsha kale oo ay ku xasuuqayaan haweenka, caruurta, dadka waayeelka ah iyo dhammaan dadka biri magaydada ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka dhiidhiyaan dhaqanka gurracan ee arxanlaawayaasha diin laawayaasha ahi ay ku gumaadayaan umadda Soomaaliyeed.

QM oo ku baaqday in la dedejiyo baarista Kiiska Caa’isha Ilyaas oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo.

0

Muqdisho-(SNTV)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA, ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caa’isha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir , dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday, si naxariis darro ahna loo dilay, ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.

Qoraalka ayaa lagu yiri, Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA, iyada oo gudaneysa mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caa’isha yar.

Falalka ku salaysan Jinsiga ee lagula kaca Haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha, taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caa’isha yar, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.

“UNFPA waxay Garab taagan tahay Qoyska Caa’isha, waxayna si buuxda u taageeraysaa Bulshooyinka iyo Dadka u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda Haweenka iyo midda aadanaha ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiro Qoraalka.

Hay’adda UNFPA, ayaa ugu dambayn ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha iyo in Puntland laga hirgeliyo xeerka dembiyada galmada.

Waxanay ku baaqday in Maanta iyo mar kastaba loo istaago dhowrista xuquuqda Aadanaha, amniga iyo ilaalinta sharafta Haweenka meel kasta oo ay joogaan.

Isha/reliefweb

Golaha Wasiirrada K/Galbeed oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

0

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, Mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta –gareen, ayaa Maanta guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee Golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin Biyo yarida ,amniga, Caafimaadka , Waxbasharada , Caddaaladda Iyo furidda waddooyinka ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo booqday qaar ka mid ah shirkadaha Diyaaradaha soo saara ee Maraykanka

0

USA-(SNTV)-Wasiirka Wasaaraadda  Gadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullahi Omaar, oo booqasho shaqo ku jooga Waddanka Mareykanka ayaa booqday, shirkadda Diyaaradaha sameysa ee Boeing xarunteeda ugu weyn Dunida ee fadigeedu yahay Seattle Washington.

Wasiirka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay madaxda shirkadda Boeing , waxanay ka wada hadleen arrimo ay kamid tahay iibsashada Diyaarado ay Soomaaliya yeelato, tababaro iyo shaqaaleyn Dhallinayaro Soomaali ah.

Waxaa uu sidoo kale Wasiir Oomaar booqday Shirkadda, Uber Texi oo iyadana ay kawada hadleen in ay xarunteeda Africa saldig uga dhigaan Soomaaliya si ay fursado shaqo ugu abuurto Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xarumihii kale ee uu booqday Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa Garoonka Diyaaradaha ee , Seatac Tacoma, ee  Magaalada Seattle, Gobolka Washington.

Waxanay Madaxda Gegida Diyaaradaha ee Seatac Tacoma, ka wada hadleen mataaneynta Labada Garoon iyo sidii loo samayn lahaa wada shaqayn iyo khibrad is-dhaafsi howl-wadeennada Labada Garoon ee Seatac Tacoma iyo Aden Cadde International Airport.

Wasiir Oomaar, ayaa booqday rugta ganacsiga Gobolka Seattle, waxayna Madaxdii uu halkaas ugu tagay  kawada haldleen qaabka loo wadaagi karo ganacsiga iyo sidii loo billaabi lahaa xiriir dhex maraya Labada dhinac.

Madaxda Shirgadaha sameeya Diyaaradaha iyo kuwa ganacsi ee uu booqday Wasiirka ayaa soo dhaweeyey firkadihii ay is weydaarsadeen iyagoo caddeeyey in ay il goonni ku fiirin doonaan Dalka Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ku weheliyey Xog-haya koowaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Washington DC,  Mudane; Abdirahman Bashir, iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Seatlle.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz iyo madaxa Hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA Galib Yilmaz ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen xoojinta Iskaashiga labada dowladood, horumarinta wax soo saarka dhanka beeraha, dhiirgelinta iyo tababaridda beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dargelin lahaa fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeeyn sida dhismaha biya xireenka Saabuuni iyo keydka  biyaha Xawaadleey ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Kulankaan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa la isku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay iyadoo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz u ballan qaaday in ay laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya,  isla markaana ay kala shaqeyn doonaan horumarinta wax soo saar ee dalka.

Wasiirka  Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib  la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid aad iyo aad muhiim ugu ahaa labada dhinac.

“Waxaan ku heshiinay in la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA si loo dedejiyo Fulinta mashaariicyada horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeen, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashiga dhinaca tababarada iyo kor u qaadida tayada Wasaarada beeraha Soomaaliya, waxaa kaloo jira Heshiis ganacsi oo labada dal ka dhaxeeya, Turkiga hada waxaa loo dhoofiyaa Sisinta iyo Liin dhanaanta hadana waxaa rajeeneynaa in Mooska uu ku biiro dalagyada loo iib geeyo dalka Turkiga, ugu dambeyna waxaan ku ballanay inaan ka wada shaqeeno xiriirka labada dal ee dhanka beeraha iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay dib ugu soo nooleen lahayd wax soo saarkeedii dhanka beeraha si ay shacabkeeda u quudiso una gaarto isku filnaansho” ayuu yiri Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  mudane Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta Qaranka la hadlay.

Heshiiskan ayaa waxa uu fududeyn doonaa in beeraleyda Soomaaliyeed ay xoojiyaan wax soo saarka dalagyada ka soo go’a beerahooda, si loogu iibgeeyo dalka Turkiga iyo dalalka kale ee daneeya kheyraadka dalkeena Soomaaliya ka soo go’a.

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

0

Muqdisho (SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa kala hadlay dedejinta dhamaystirka sharciga doorashooyinka iyo dib-u-eegista sharciga xisbiyada.

Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinaka ayuu ugu horrayn Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshooyinkooda ku aadan hir-gelinta doorashooyinka 2020.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga u caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay in ay kala shaqeeyaan waajibaadka ka saaran doorashooyinka dalka.

Halbeegyada ku jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in lagu guulaysto sannadkaan 2019 ayaa waxaa kamid ah samaynta sharciga doorashooyinka oo saldhig u noqonaya in shacabka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan hoggaanka dalka.

Wasiir Beyle “Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay”

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dadaalka dawladda ee horumarinta dhaqaallaha dalka uu miro dhalay, guulna laga gaaray dib u habeynta siyaasdeed ee  hanaanka maamulka maaliyadeed.

“Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay sida ku cad warbixinta ay soo saartay  IMF” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabbaha Horumarka iyo guusha, islamarkaana godkii madoobaa ay kasoo baxday, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ku ammaanay dadaalka ay ka geeysanayaan horumarka dhaqaallaha.

“Godkii madoobaa waanu ka soo baxnay, waxaanu saaranahay dhabbihii caddaa ee guusha, Hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waa in aan dadaalkeena sii laba laabnaa”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed oo masuul ka ah horumar walba oo aan sameyno, hadaysan canshuur bixin laheyn isla markaana aysan la shaqeyn laheyn Dowladdooda maanta ma gaari laheyn guul walba oo aanu gaarnay” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

Hay’adda (IMF) ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay Dowladda Soomaaliya ku ammaantay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, kobaca daqliga soo gala dowladda, taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey siddii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Jabuuti Ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Danjire Aden Xasan Aden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadly xoojinta xiriirka labada dal

0

Dooxa (SNTV):-  Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.