Home Blog Page 1083

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano hoostaga Balad-Xaawo

0

Baladxaawo (SNTV) Ciidamada ammaanka ayaa hawlagallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay maleeshiyaadka Argagixisada ay ka xirtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dagaal maleeshiyada khasaare lagu gaarsiiyey ayaa shalay galab dhex maray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada, kaasi  oo Argagixisada looga furtay saanad ciidan, tira ka mid ah maleeshiyaadkoodana looga dilay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha horgacaysa Howlgalkan.

Bulshada magaalada Baladxaawo ayaa ciidamada ku taageeraya halwgalka jidadka lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolku u sahlanaado oo maciishaddu u raqiisto.

Laba maalin ka hor ayay maleeshiyada Al-shabaab magaalada Baladxaawo ku dishay Nabadoon magaalada caan  ka ahaa, waxaana ay afduubeen laba wiil oo uu dhalay oo mid ka mid uu ahaa saqiir.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal

0

Muqdisho, Nofeembar 24, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.

DHAMMAAD

Ciidamada ammaanka oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay Heliwaa

0

Muqdisho (SNTV):–Ciidamada NISA, booliska iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay Degmada Heliwaa, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya AS”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA

Ciidamada Amniga ayaa had iyo jeer wado dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darada ah ee kooxaha Argagixisada, iyagoo gacanta ku soo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad maleegayay weerarro Argagixiso kuwaas oo la rabay in waxyeelo loogu geesto Shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u soo celineyso shruucdii wax barashada

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaradda Waxbrashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso sidii ardeyda Soomaaliyed ay u heli lahaayeen Waxbrasho tayo leh.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” aya sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare ah oo qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin  lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed hello  Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka taasna waxaa tahay mid aan dhamaanten kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas” Sidaas waxaa sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Waxaa uu sheegay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa dadaal ugu jirta siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa.

shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ka furmay Istanbul

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay maanta shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.

Waxaa ka qeyb galay 200 Shirkadood oo Turki ah, Dhanka Soomaaliya, waxaa uga qeyb galey wafdi uu hogaminayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Madaxa Iskaashiga Maalgashiga Turki iyo Carab, Mudane Cadhar subuxi.

Wasiir Cabdifataax Geesey oo kahadlay furitaankii shirka ayaa sheegay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya qalabkan dhismaha, maadaama aanan dib u dhis lagu sameyn ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe oo hada dib looga soo kabaneyo qalabkana uu wax wayn ka bedeli doono muhiimna uu u yahay Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah oo ay Ganacsatadu ku soo bandhigi doonaan qalabka dhismaha qeybihiisa kala duwan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO GABOGABEEYAY BOOQASHADII RASMIGA AHAYD EE UU KU JOOGAY TALYAANIGA

0

Istanbul (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico.

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo maanta ka qeyb qaatay Ololaha IS-XILQAAN

0

Muqdisho (SNTV)-Maamulka, howlwadeennada iyo ciidanka Madaxtooyada ayaa maanta ka qeyb qaatay olalaha Barnaamijka ISXILQAAN ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Dhismaha ka socda Tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda ayay howl wadeenaddu ka qeyb qaateen iyaga oo lix saacadood oo xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey soo nooleynta xarumaha danta guud ee dalka.

Maareeyaha tiyaatarka Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha hoyga murtida iyo hanuuninta ee National Theatre. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shaqaalaha madaxtooyada ee maanta shaqada lahaa iyo dhammaan shaqaalaha dowladdu ay meel fiican soo gaarsiiyeen dhismaha Tiyaatarka.

Dhinaca kale maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha tiyaatarka ugu qeyb qaatay agab isugu jira Shamiito, badiillo, Sakeello, Xaaqimmo Iyo fargeetooyin kuwaas oo lagu wareejiyay guddiga gacanta ku haya dhismaha.

Shaqaalaha maanta ka qeyb galay Barnaamijka ISXILQAAN ee ka socday Madaxtooyada ayaa gaarayay 600. Iyada oo 200 oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo 26 July ee sanadkaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.


Taliyaha CXDS iyo Saraakiisha Dugsiga TurkSom oo kawada hadlay howl gelinta Ciidanka dugsigaasi tababarka ku qaatay

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasi oo tababareyaal ka ah Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, Si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga TurkSom ugu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada Dalka looga Saarayo Nabadiidka, islamarmaana loo howl gelin lahaa, si Qibradooda looga faa’iideysto.

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee dawladda Turkiga ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TurkSom ayaa waxaa hadda tababar uu uga socdaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyaddoo horay dugsigaas ay uga qalin jabiyeen dhowr dufcadood, kuwaasi oo Taliska CXDS uu qorsheynayo in la howl galiyo oo ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada arxanka darran ee Alshabaab.

Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya+Sawirro

0

Muqdisho, Nofembar 22, 2018 Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya.

Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta.

“Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri wasiirka.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo maanta u fariistay Imtixaan aqoon guud ah“Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta ka qaaday Imtixaan aqoon guud ah, kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.

Qeybta koowaad ee Imtixaanka ayaa maanta waxaa u fariistay Xidigle ilaa iyo Dhamme, waxaana lagu kala qabtay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta iyo xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanku ka socday.

Ujjeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Asluubta waxa uu ku sheegay in  la hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.

Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.