Shir looga hadlayo wadasheynta Hay’adaha ka shaqeeya Barxuduudeedka dalka oo Muqdisho ka furmay

Date:

SNTV:-Wasiiru dowlaha  wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow ayaa furay Shirka xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka laga soo galo lagana baxo ( Bar-xuduudeedyada).

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka, Wasaaradda Dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Boliiska Garoonka Aadan Cadde, Maamulka Garoonka Aden Cadde, Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Ururka Midowga Duulimaadyada iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Gudigga shirkadaha diyaaradaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Kofi ayaa ku sheegay muhiimadda Shirkaan in ay tahay in la abuuro iskaashi iyo masuuliyad wadaag dhab ah oo laga yeesho howlaha ka hortagga Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba xuduudaha.

Waa Shirkii 3aad oo noociisa ah oo ay Soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo looga arinsanayay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka (Bar-xuduudeedyada).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...