Shir Madaxeedka Carabta oo ka furmay magaalada Tunis ee dalka Tunisia

Date:

Muqdisho (SNTV):– Shir madaxeedka Carabta ee caadiga ah meertadiisa soddonaad ayaa maanta ka furmay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia,waxaana ka qeyb galaya Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed.

Dhowr madaxweyne iyo Wafdi ka socda dalalka Carabta ayaa goorsii horeysay oo maanta gaaray magaalada Tunis,si ay uga qeub galaan shirka,waxaana ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Lubnaan,Michel Aoun,Yemen Abd Rabbo Mansour Hadi, madaxweynaha Ciraaq Barham Saleh iyo Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah,sidoo kale madasha shirka waxaa ku sugan, madaxa Golaha sare Imaaraadka Carabta Sheikh Hamad bin Mohammed al-Sharqo,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres, iyo Madax kale oo aad u fara badan.

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa diirada  lagu saarayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Waxaana Soomaaliya shirkaas uga qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...