Home Blog Page 1020

Duqa Muqdisho oo Bulshada Gobolka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan munaasabadaha xuska Todobaadka Xorriyadda

0

Muqdisho-(SNTV):- Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) oo Taallada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah Bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay u weyneynayaan Maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin deriseynta, is-cafinta iyo wacyigelinta Bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir dedaalka ay ugu jiraan Maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha Todobaadka xorriyadda, iyagoo muujiyey dareenka waddaniyadeed ee ay u qabaan Dadkooda iyo Dalkooda.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hor tago falalka gurracan ee ay argagixisada Al-Shabaab u maleegayaan Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa Bulshada ku dhaqan Degmada Deyniile, goob fagaare ah kula hadlay, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay, wuxuuna uga warbixiyey Miro dhalka Barnaamijka Is-xilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, ayaa Todobaadka xorriyadda awgii waxa uu u hambalyeeyay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato xuska Maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah Maalmihii waddaniyadda ee xorriyadda Dalkeenna.

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo colaad Beeleedyada ku soo noq-noqday degaanno ka tirsan Hiiraan

0

Jowhar-(SNTV):- Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxgaradka Beelaha Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay joojiyaan colaadaha soo laa-laabta, wuxuuna sidoo kale ka tacsiyeeyay Dadka ku dhintay , isagoo kuwa dhaawaca ahna  u rajeeyay caafimaad qab.

Mudane; Waare, ayaa ku tilmaamay dagaal Beeleedyada ku soo noq-noqday degaanno hoos yimaadda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin

Madaxweynaha  ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay in ay Gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaasi lagu joojiyo, isagoo intaa raaciyay in dagaal Beeleedyada soo noq noqday ay yihiin kuwa taageero siinaya argagaxisada Al-Shabaab oo dadkeenna u diiddan nabad.

“Colaado leh muuqaal Qabiil, balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa  Odayaasha, Culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne , Waare, ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo si dhuruud la’aan ah, wixii ay dhinacyadu isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in Beelaha ay diritu ka dhaxeyso isu sheegtaan tabashadooda,  dabeedna ay iska raalli geliyaan waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ,ayaa sheegay  inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

Wasiir kuxigeenka Batroolka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Caabudwaaq

Caabudwaaq (SNTV):– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno ayaa shalay galinkii dambe gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga gaaray Caabudwaaq sidoo kale waxaa kamid ahaa Madaxawayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey Halkaas oo si heer Sara ah loogu soo dhaweeyay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in wafdigan ujeedadiisu tahay u gogol xaarida imaansha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho ku tagi doona Magaalada Caabudwaaq si uu kulamo ulaqaato bulshada qayba-heeda kala duwan ee Degmadaasi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Xarumo Ciidan Oo Reer Cadaado Ay Isxilqaan Ku Dhiseen

Cadaado (SNTV):-  Khamiis, June 27, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarigga ka jaray laba xarun oo dadka reer Cadaado ay si isxilqaan ah ugu dhiseen taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa reer Cadaado uga mahadceliyay dadaalka badan ee ay bixinayaan iyo sida isxilqaanka ah oo ay xarumaha ugu dhiseen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 21-aad.

Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Cadaado ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay waxqabadka muuqda iyo sida ay qaybta uga yihiin dib-u-dhiska dalka, waxa uuna dadka ku nool deegaannada kale ee dalka ku boorriyay in ay iyana dhismaha dalka uga qayb qaataan barnaamijka Isxilqaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku tegay xarunta ciidanka Nabad sugidda qaybta Galmudug oo ku taalla duleedka magaalada Cadaado oo iyana is-xilqaan lagu dhisay, waxa uuna warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaamisa ciidanka.

Madaxweyaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo saraakiisha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa goob joog ka ahaa xarig ka jaridda labada xarumood ee isxilqaanka lagu dhisay.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa dowladdu ugu tala gashay in lagu dhiso xarumaha dowladda, waddooyinka iyo goobaha kale ee taariikhiga ahaa ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Cadaado Kula Kulmay Hoggaanka Dhaqanka

Cadaado (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Kulamada uu Ra’iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

0

Muqdisho (SNTV):-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin.

“Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna.

“Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Soomaaliya oo Khayraadkeeda Kusoo Bandhigtay bandhig Carweed lagu qabtay Shiinaha

0

Hunnan (SNTV):– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan  gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha ayaa maanta ka qayb qayb gelay carwo dalalka Afrika iyo Shiinuhu ay kusoo bandhigayeen khayraadka iyo waxyaabaha kale ee ay haystaan ee dalalka kale loo dhoofin karo si ganacsiga ka dhexeeya dalalka sare loogu qaado.

Wafdig uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku hoggaaminayo ayaa carwada kusoo bandhigay khayraadka uu dalka Soomaaliya uu leeyahay si ay ka qayb galayaashu xog buuxda uga helaan ayna kula laabtaan dalalkooda si ay Soomaaliya uga faa’iidaysato baahiyaha ay dalalka kale u qabaan khayraadka iyo wax soo saarka dalka.

Carwada ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shiinaha iyo Afrika ayaa samaytay madal iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin, taas oo u gogol xaaraya in si wadajir ah loo horumariyo ganacsiga ka dhexeeya Afrika iyo dalka Shiinaha.

Qaraxyo Mataano ah Oo  Ka dhacay Magaalada Tuunis ee Dalka Tuniisiya

Tunis (SNTV) Qaraxa koowaad ee ka dhacay magaalada Tuunis ayaa lala beegsaday gaari Boolis   waxaana ku dhintay sarkaal boolis ah halka sarkaal boolis ah iyo 3 qof oo rayid ah uu dhaawac ka soo gaaray .

Qaraxa labaad oo uu geystay qof isa soo miidaamiyay ayaa il-biriqsiyo ka dib qarax kale waxa uu ka dhacay degmada Al-qarjani, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Tuuniisiya.

Wakaaladda Reuters ayaa baahisay iyada oo soo xiganeysa goob joogayaal waxaana ay warisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Faransiiska uu u ku leeyahay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tuniisiya.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadani, balse weerarada ayaa yimid 4 sano ka dib markii ay dhaceen weerarro lala beegsaday dad dalxiisayaal oo ku sugnaa madxaf ku yaalla magaalada Tuunis iyadoo ay mashaqada ay sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad kale oo joogay xeebta magaalada Suus.

Weerarradaas waxaa sheegtay  kooxda Daacish.

 

 

 

R/Wasaare Ku-xigeen Mahdi oo Shiinaha Uga Qayb Galay Shirka Ganacsiga & Dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Afrika

Hunnan (SNTV)—Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummadda Soomaaliyeed.