Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta Danab oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanka Camaara oo Ka tirsan Gobalka Mudug

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobalka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Sida lagu soo waramayo ciidamada ayaa saakay gaaray deegaanka Camaara iyagoo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay gacanta ku dhigeen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee nabad diidka Al-shabaab.

Hawlgalka oo weli socda ayaa la sheegay in ay ciidamadu sidoo kale baaritaano ka fuliyeen xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo fogaan 85-km dhinaca woqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ee bartamaha soomaaliya.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Sheekh Yuusuf Salaad ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Qaranka in hawlgalka uu weli ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad lagu eedeeynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda nabad diidka ee xagjirka ee xiriirka la leh argagaxisada iyo sidoo kale kuwa basaas u ahaa kooxda xagjirka ah.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbedel xagga hoggaanka ah ayaa qeybo ka mid ah goballada Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...