wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo

Date:

Wafdi ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.

Garoonka diyaaradaha Waxaa ku soo dhaweyeye mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Xubnaha wafdiga ay iskugu jireen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Khayraadkla Biyaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wafdigan ay hoggaaminayso wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa ah ka qeybgalka shir ku saabsan arrimaha Tamarta Soomaaliya oo 20 bishan ka furmi doona magaaladaasi Baydhabo,kaasi oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Shirkan lagu wado in uu ka furmo baydhabo Ayaa waxaa uu socon doonaa mudo afar Maalin ah oo ku eg 24-kan bishan waxaana Lagu eegi doonaa tayeenta awoodaha tamarta Iyo waxaa u qabsoomay wasaaradaha Tamarta Iyo kheyradka biyaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada Dalka.

Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa horey u balanqaaday sidii ay u dardargelin lahayd holwha adeegyada muhiimka ah ee bulshadu uga fadhiyaan wasaaradda Tamarta,waxaana jira mashaariic kaladuwan oo horumarineed oo ay hormuud ka tahay wasaaradda,kuwaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay ka faaideystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...