Home Blog Page 1019

K/Galbeed & Galmudug oo Ka wadahadlay Dhacdadii ay Dad Ka soo Jeeda K.Galbeed lagu dilay Deegaanno Ka tirsan Galmudug “Sawirro”

0

Gaalkacyo-(SNTV)-Labo Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Magaaladaasi.

Odayaasha ayaa Labada Guddi uga tacsiyeeyay Dadkii lagu dilay mashaqadii ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin Beelihii ay ka dhasheen Dadkii la laayay ay kala fariistaan dhibaatadii dhacday.

Odayaasha Gaalkacyo ayaa Guddiyada u sheegay in lagu raad joogo dambiilayaashii falkaas geystay,  islamarkaana la marin doono ciqaabta ku habboon ee dhinaca sharcig ah.

Sidoo kale Odayaasha ayaa ballan qaaday in dhibaatadii dhacday aysan dib dambe usoo laaban doonin, si nabadgelyo ahna loo wada noolaanaayo wixii hadda ka dambeeya.

Guddiyo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ka waday kulammo ay la yeelanayaan maamulka, Odayaasha, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Ciidanka Ammaanka Oo Gacanta Ku soo Dhigay Qof Dil Loo heysto.

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto Sekiya Xuseen Axmed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar ‘Yariisoow’ oo ka hadlayay shirka amniga iyo dardar gelinta Kormeerka, howlgalada iyo Isla-xisaabtanka oo kadhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Bishaar C/risaaq Maxamed, oo lagu eedeeynayo in uu ku lug lahaa dilka gabar Soomaaliyeed oo dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo kuyaala xaafadda Baar Ubax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay gacan ka geysteen shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo soo gudbiyay xogta ku saabsan gurigii uu ku dhuumanayey dambiilaha.

Eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hotel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

 

Horjooge ka tirsan Argagaxisada Al-Sabaab oo isa soo dhiibay

0

Muqdisho (SNTV) Horjooge Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey) ayaa isku soo dhiibay Hay’adda NISA kaas oo Muqdisho laga soo dajiyay maanta.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.

“Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”.

Mudooyinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ee soo dhiibeya kuwaas oo la sheegay in ay ka cararayaan Howlgala Ciidanka ee ka Dhanka ah Argaggixisada.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka QM ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Kulanka uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu la qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu ahaa kulan looga hadlayay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka wada shaqayn ee Aqalka Sare Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Habdhooraha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ay ka wada hadleen arrimaha Baarlaamanka, Dowlad Goboleedyada iyo Doorashooyinka Dhawaan ka dhacayo Maamul Goboleedyada.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa xusay in  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka uu u safray dalka Ruushka, isagoo casuumad ka helay Baarlamaanka Dalkaasi Ruushka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde Airport waxaa uu ku sagootiyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka sare iyo howl wadeenada Golaha Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Guddoomay Suldaanka Cummaan Hambalyada Todobaadka Xorriyadda

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka Guddoomay walaalkiis Suldaanka Saldanada dalka Cummaan Suldaan Qaabuus Binu Siciid hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada dalkeenna.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Cummaan shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Suldaan Qaabuus Bin Siciid bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna.

Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leennahay Gobolka Geeska Afrika.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Qanyare

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka, isaga oo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo ka qeybgalay Aaska Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland oo Geeriyooday

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Baashi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Garowe ee xarunta Maamul Gobolleedka Puntland uga qeyb galay aaska Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee maamul Gobolleedkaasi.

Allaha u naxriistee Guddoomiyihii Maxakamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur ayaa maanta lagu aasay magaalada Garowe kadib markii uu dhowaan geeriyooday.

Mas’uuliyiinta Maamul Gobolleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeyb galay aaska Marxuumka, iyadoo mas’uuliyiintaasi Eebe uga baryeen in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

Wafdiga uu hoggaaminaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo jooga Garowe waxaa ay isugu jiraan, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Garsoorayaal ka tirsan Federaalka.

 

Dagaalka Shiinaha iyo Mareykanka iyo Gogol Laabka G-20, Osaka, Japan. “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Kulanka G20 ee magaalada Osaka ayaa lagu soo gabogabeeyay sabtida manta iyadoo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in xiriirka Shiinaha ay leeyihiin dib loo soo celinayo kadib markii isaga iyo Xi Jinping ay billaabeen sidii lagu yareyn lahaa ganacsiga ee daba dheeraaday ee u dhaxeeya dalalka soo saara dhaqaalaha tamarta.

Wakaaladda Xinhua, ayaa sheegtay hogaamiyeyaasha in ay isku raaceen xabad joojin cusub oo laga gaaro dagaalka ganacsiga ee taagan mudada sanadka ah, waxaana ay intaasi ku dartay in wadahadalada ganacsiga ee istaagay dib loo billaabo iyadoo aysan Mareykanku ka qaadi doonin tariifada dheeraadka ah oo ay ku hanjabeen in ay kusoo rogayaan walxaha ganacsiga ee ka yimaada dhinaca dalka Shiinaha.

Xabad joojinta muuqata ayaa waxa ay calaamad u tahay wadahadaladii dhex maray Trump iyo Xi, kuwaasi oo cadeeyay saaxiibtinimada ka dhaxeeysa in ay joojiyaan tallaabooyinka wixii ka dambeeya wadahadaladii ay yeesheen labada hogaamiye, islamarkaana la arko in wadahadaladu ay jebiyeen waxyaabaha lagu muransan yahay.

Aqalka cad ayaa diiday in hadal degdeg ah uu ka bixiyo laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay marsiihoreeysay sabtidii in uu ku dhawaaqi doono natiijada wadahadallada uu la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha XI Jinping kadib xilligii shirjiraa’id ay yeesheen ee maanta.

Wadahadallada oo dhacay xilligii ay ku sugnaayeen shir madaxeedka G-20 oo ka dhacay dalka Japan, ayaa kulanka hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid qayexan oo  soo jiidasho u leh dhinaca diblomaasiyadda madaxweyne Trump mudadii afarta maalmood ee shir madaxeedka, oo ay fursadihiisa dib u doorashadiisa ay khatargashay sabab lala xiriirinayo dagaalka ganacsiga oo dhaawac iyo dharbaax weyn uu ka soo gaaray beeraleeyda Mareykanka iyo suuqyada caalamka. Xiisadaha ayaa circa isku shareeray todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii ay wadaxaajoodyadii ay burbureen bishii lasoo dhaafay.

Iyagoo dhinac fadhiya miis dheer oo  ay hareer fadhiyaan kaalieyaal sarsare, labada hogaamiye waxa ay codkooda ku muujiyeen rajo iyo yididiilo kadib markii ay isla galeen sawirro.

Waxa aan yeelanay cilaaqaad wanaagsan,” Trump ayaa u sheegay Xi xilligii ay furayeen kulankooda,” balse waxa aan dooneynaa inaan si xushmad leh u qabano dhinaca ganacsiga.”

Xi Jinping, ayaa dhinaciisa ka sheekeeyay xilligii Miiska Diblomasiyadda.” Kaasi oo  gacan ka geeystay bilowga xiriirka ganacisga Mareykanka iyo Shiinaha labo fac kahor.

Wixii waqtigaasi ka dambeeyayna ayuu yiri, “Xaqiiqada aas aaska ah ay weli tahay mid aan waxbo iska bedelin: Shiinaha iyo Mareykanka labadaba waxa ay ka faa’iideeysanayaan iskaashiga iyagoo meesha ka saaraya wixii iska hor imaad ah.”

Iskaashiga iyo wadahahadllada waxa ay ka wanaagsan yihiin qayaaliga iska hor imaadka,” ayuu yiri Madaxweyne XI Jinping.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha ee Xi Jinping ayaa qayb ka ahaa kulamo uu Trump la qaatay hogaamiyeyaasha dunida sabtida maanta isagoo ku soo bandhigay jiheynta waxyaabaha uu dalbanayo.

Kulan degdeg ah oo uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga, Trump waxa uu sheegay in wadahadalada uu la qaatay hogaamiyaha Shiinaha ay ahaayeen kuwa si sax ah uga wanaagsan sidii la filaayay.”

Wadahadalladu ay sii soconayaan,” sida uu sheegay.

Mareykanka ayaa ku hanjabay in tarifo dheeraad ah oo dhan $300 bilyan oo dheeraad ah uu kusoo rogayo waxyaabaha ay Shiinaha u iib geeyaan gudaha dalka Mareykanka, taasi oo $250 bilyan oo doolar uu horey u canshuuray alaabta iyo shixnadaha Shiinaha, isagoo ballaariyay canshuurta laga qaado alaab kasta oo ay Mareykanka soo geliyaan ama ay keenaan maraakiibta Shiinaha. Waxaana uu sheegay in tariifada canshuurta cusub, oo bixiyaan dadka Mareykanka oo ay allaabta Shiinaha usoo degto islamarkaana loo gudbiyo dadka macaamiisha ee iibsada, ay ka billaabanaysay 10%.  Marsihoreyysay, Maamulka Mareykanka ayaa sheegay tariifada dheeriga ah ay gaareysay 25%.

Labada dal ayaa ku hardamayay wararka uu ku andacoonayo Maamulka Trump oo sheegayay in Beijing ay xado Tiknoolajiyadda iyadoo ku qasbaysa shirkadaha shisheeyaha in ay la wareegaan sirta ganacsiga. Shiinaha ayaa dafiray in ay ku kacdo dhaqanada noocaasi ah. Mareykanka ayaa iskudayay in uu qabto kulan ay kasoo qayb galaan wadamada kale ee caalamka si looga hadlo sidii lagu xiri lahaa shirkadda Isgaarsiinta ee Chinese telecom ee loo yaqaano Huawei oo laga xero habka soo socda ee loo yaqaano 5G systems oo ay ka shaqeeynayaan Mareykanka, iyadoo Shirkadda lagu calaamaynayo in ay tahay mid halis ku ah amniga qaranka islamarkaana laga reebo in ay teknoolojiyadda ka iibsato Mareykanka.

Beijing ayaa bilowday in ay kaga aargoosato Mareykanka iyadoo ku soo rogtay tariifo dheeraad ah badeecadaha iyo walxaha ganacsiga ee uu Mareykanku u iibgeeyo dalka Shiinaha, iyadoo maalintii jimcihii ku dhaleecaysay waxa ay ugu yeertay “in aysan jirin wax lagu qanci karo” oo ku saabsan sharci ahaan marka laga eego kahor inta uu san Golaha Kongareeyska Mareykanka sheegin in ay sii dhaawaceeyso cilaaqaadkii uu horey muranka uga taagnaa ee dhinaca Ganacsiga iyo Teknoolojiyadda.

Kulanka labada dhinac ayaa bilow u ah fursadaha dib u cusbooneysiinta wadahadallo laga yeesho arimaha ay labada dal ku muransan yihiin ee ganacsiga iyo Teknoolojiyadda waxaana jirta rajo laga qabo haddii la ambaqaado wadahadalada dib loo soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Shiinaha ee aqfiifinta iyo fududeeynta badeecadaha iyo walxaha Ganacsiga oo ay is waydaarsadaan labada dowladood.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed Abuukar Johannesburg

~$0 wraps up as China G20 wraps up as China

 

Dhallinyarada Caabudwaaq oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre La Qaatay Kulan Su’aalo lagu waydiinayay Dhalinyarada “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan Xildhibaanno kasoo jeeda degmada Caabudwaaq iyo Wasiirro ayaa gudaha Caabudwaaq ee Gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaaladaasi.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay tallooyin iyo tusaalooyin kuwajahan sida ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan dadaalada horumarineed ee ka socda gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida muwaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahayn lagaa sugin isbedelka uu dalka u baahanyahay.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarumaha qaar kamid ah Shirkadaha dhismaha Iyo Gawaarida Dalka Shiinaha

0

Beijing-(SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, mudane ; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan Dalka Shiinaha, ayaa Maanta booqasho ku tegay xarumaha Seddax Shirkadood oo Laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta Gawaarida.

Mudane; Mahdi oo lagu casuumay bandhig Carweed ay Gobolka Hunnan ee Dalka Shiinaha kusoo bandhigayeen Shirkadaha waxyaabaha ay u iib geyn karaan Dunida inteeda kale, ayaa booqday xarumaha Shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co, Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo Indha0Indheeyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan Shirkadaha ay booqdeen, waxanay madaxda Shirkaduhu u sheegeen in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno Dalka Soomaaliya.

Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha  sameeya Gaadiidka  ee laga leehay Dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta Mashiinnada dhismaha, halka Shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus.