Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad oo Ayidday Xukun dil ah oo lagu Ridday Gacan Ku Dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

Date:

Baydhabo (SNTV) Kadib racfaan ee ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteyda 60-aad, D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamadda sarre ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha, waxaana goob joog ka ahaa qareeno difaacayay eedeeysanayaasha.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Q-60 ayaa horey ugu riday xukun dil ah Racfaanle D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo loo heystay dilka marxuum Max’ed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Q-60aad ayaa horkeenay maxkamadda cadeeymo dheeri ah, qiraal muujinaayo inuu galay danbiilaha eedii lagu soo oogay iyo sidoo kale maarkhaatiyaashii ku marag furay eedeysanaha dhammaan waxay kahor cadeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan Sugoow uu galay danbigaas.

Doodii dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenadii difaacayey eedeysanaha kadib waxaa fursad loo siiyey racfaanlaha inuu ka jawaabo su’aalo garsoorka uu weydiiyey kuwaasoo  dhammaan kusaabsanaa eeda loo heystay.

Intaas kadib Maxkamadda Sarre ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida Q-60-aad horay ugu xukuntay D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo ahaa dil toogasho ah ahna qisaasta marxuum Max’ed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatay dacwada racfaaanle D/LE Darwiish Xuseen Cali Macalin iimaan Gurey oo 23jir ah iyo racfaanle D/LE Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer kutaala duleedka magaalada Baydhabo

Maxkamada derajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Q-60 aad ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...