Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dalka oo furay shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta furay shir wada-tashi ah oo Wasaaradaha Warfaafinta dowlad-goboleedyda iyo dowladda Dhexe muddo saddex maalin ah ay ku yeelanayaan magaallada Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada Warfafinta ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyo wakiillo ka socda gobolka Banaadir iyo warbaahinta gaarka loo leeyahy, waxaa looga hadlayaa sidii labada heer ee dowladdu ay si mideysan ugu dhaqan galin lahaayeen istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka oo la ansixiyay sannadkii hore.

Shirka ayaa sidoo kale looga doodi doonaa mideynta farriimaha wacyigelineed ee xiriirka la leh arrimaha xagjirnimada, argagixisada, dowlad-wanaagga iyo qabyaalladda.

Wasiirrada Warfaafinta dowlad-goboleedyada oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay waajib tahay in si mideysan loo wajaho arrimaha xiriirka la leh wacyigelinta bulshada, ayagoo ku nuuxnuuxsaday in istiraatiijiyadda qaran ee wacyigelintu ay aasaas u ahaan doonto arrintaas.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka furay ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo wafdiga ka yimid dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka ah.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in talada iyo kheyraadka la wadaago si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay dowlad-goboleedyada la yeelanayso is-kaashi joogto ah si adeeg wanaagsan loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la leh wasaaradaha warfaafinta ee heer dowlad-goboleed, ayagoo si wadajir ah u soo saara siyaasado iyo qorsheyaal wax looga qabanayo ama lagu horumarinayo warbahinta Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...