Home Blog Page 1021

Xuska Maalinta Xorriyadda Jabbuuti oo lagu qabtay magaalada Beledweyne “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Sanad-guurada 42-aad ee Xornimada Jabuuti oo ku asteysan maanta 27 Juun.

Munaasabadda Xorriyadda Jamuuriyadda Jabuuti ayaa waxa ay si habsami leh uga socotaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo munaasabadda oo si heersare ah loo agaasimay ay ka qeyb galeen Wafdi ka tirsan labada gole ee maamul gobolleedka Hirshabeelle oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulkaasi Mudane, Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goob joog ka ah Xubno ka tirsan Labadda Golle ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle oo ay kamid yihiin wasiiro iyo mudeneyaal ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele state iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Jabuuti oo ay munaasabaddan uga qeyb galaya dabaal degga maalintooda Xorriyadda iyadoo qeyb ka ah howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigaya goobta ay ka socoto Munaasabadda gaado ka ciyaar ay ugu dabaal dagayaan 42-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay ka xoroobeen mustacmarkii Faransiiska oo ay qaateen madax-banaanida ay maanta ku naaloonayaan.

 

Wararkii ugu dambeeyey Maleeshiyaad Al Shabaab oo ku dagaalamay Jilib

0

Muqdisho(SNTV)  Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab weli isku hor fadhiyaan halkaasi kadib markii shalay ay ku dagaalameen degmada Jilib.

Dagaalka oo Saacado badan socday ayaa sida lagu soo waramyo waxaa ay isaga dilleen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan, Wararka ayaa muujinaya in tirade 21 dagaalameyaal iyo labo Horjooge lagu dilay sida qaar kamid ah dadka deegaanka laga soo xigtay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkani uu ka dambeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagan tahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaali iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahani oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taagan yihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

 

Wafdigii loo Xilsaaray Baaritaanka Dadkii Dhowaan Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb Oo gaaray Gaalkacyo+Sawiro

0

Muqdisho (SNTV) Wafdigan ka kooban labo guddi oo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaannada Golaha Shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 mudaneyaal baarlamaan oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Gobolleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo isna horkacayay xubnaha Gudiga oo uu dhowaan soo  magacaabay Madaxaweynaha Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Somaaliya.

Xubnaha labada Guddi ka kooban ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlada Goboleedka Galmudug  ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in Guddiyada Gaalkacyo soo gaaraan si Looga wada xaajoodo dhibaatadii 14-kii bishan ka dhacaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee Maamul Gobolleedka Galmudug.

Xubnaha Guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo, iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wadashaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb.

Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta XFS iyo K/Galbeed Oo Yeeshay Kulan Muhiim ah

0

Muqdisho(Sntv) Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Dowladda Federaalka  iyo xubna ka socda Midowga Yurub ayaa shalay la kulmay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  oo ay kala hadleen Mashruuca ILED.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur galbeed  Axmed Madoobe Nuunow ayaa soo dhaweeyay madaxa Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda ee Wasaaradda Qorsheynta,waxuuna bogaadiayay  hanaanka la qorsheeyay ee mashaariicda ILED oo ahmiyadd ballaaran u leh dalkeena.

Maxamed  Daahir Faarah oo ka mid ah mas’uuliyiinta Madaxda xafiiska  mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaaradda Qorsheynta  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka siiyay  Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed iyo madaxda  kale ee wasaaradaasi hannaanka la doonayo in mashruuca  ILED looga fuliyo deeganada maamulka iyo howlaha kale oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan Wasaaradda iyo Midowga Yurub.

“Mashruucan ILED wax doonaynaa in aan hoos u  daadajino fulintiisa , waxaan doonaynaa in dadka ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed mashruucan oo Midowga Yurub ay ugu deeqday Soomaaliya, wax uuna diirrada saaray sidii abaaraha iyo mashaakilaadka la xiriira, iyo soo kabashada dadka “ayuu yari Maxamed Daahir.

Isku  duwaha Mashruuca ILED ee Midowga Yurub Mr Martino Vinci wax uu tilmaamay muhiimadda mushruuucan  u leeyahay dalka Soomaaliya , gaar ahaan shacabka iyo maamulka KGS, wuxuuna hooska ka xariiqay in la dar dar geliyo qaabka loo fulinayo mashruucan.

Mashruuraca ILED oo  bisha April sanadkan ay dhammaan wada saxiixeen Wasiir Qorsheynta  Maamulka  Gobaleedyada iyo Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Amb. Jamaal Maxamed Xasan, Midowga Yurub ayaa mashruucan wax ay ku maalgelinaysa lacag lagu qiyaasay 83 milyan uero.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta oo beenisay Warqad been abuur ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir Hilaal.

0

Muqdisho (SNTV):- Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal”

Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska maalinta Xornimada Goballada Waqooyi

Dhuusamareeb (SNTV)—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka.

June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Odayaasha Dhaqanka oo ka wada hadlay Dib-u-heshiisiinta Iyo Dhismaha Galmudug Loo Dhanyahay

Dhuusamareeb (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay.

Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho (SNTV):-Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubin ka tirsanaa Argaggixisada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, laga fuliyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, 24-kii June.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in weerradan lagu yareenayo dhaqdhaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda Mareynkanka ayaa howlgalka ka dhan ah argagixisada ka wada dalka,waxaana jira deegaano badan oo laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab,kuwaasi oo shacabkii horay uga barakacay hadda dib ugu soo labaanaya si ay dib nolol cusub uga bilaabaan.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa la socodka Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qarank oo a ay wado qoristiisa Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS.

Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa u soo bandhigtay Guddigaan, Qabyo qoraalka koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, Seddexda ahmiyad ee muhiimada u leh dalka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda loo dhan yahay, horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga, iyo kala sareynta Sharciga.

Xildhabaanada Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Waasaradda su’aalo ka waydiiyay hanaanka uu u dhacay wada-tashiga Wareegga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo sida loo dhageystay Aragtida Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka waydiiyay wasaaradda howlaha kale ee muhiimka ah ee ay wado, kuwaas oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeenna, waxaana guddiga uu boggaadiyey shaqada culus oo ay hayso wasaaradda Qorsheynta XFS, kuwaasi oo lafdhabar u ah dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in Wasaaradda maanta ay guddiga u soo bandhigtay shaqooyinka socda oo hor-tabin u leh dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti dheer wada qaadanay Wasiirka iyo Howlwadeenada Wasaaradda Qorsheynta, wax ay noo soo bandhigeen dadaalada socda ee qorista Qorshaha Qaranka, waxay noo soo bandhigeen Amniga, Federaalka, kala sarenta Sharaciga, mashaariicda socda iyo qodoba kale oo muhiimad u leh dalka, kuwaas oo ah in aan wax badan ka oggaanay qorshooyinkaasi” ayuu yiri Xil. Maxamuud Siraaji.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay dhageysteen talooyinka Guddiga, kuwaasi oo dhaxal gal u ah qorshaha horumarinta Qaranka.

“waxaan dhageystay maanta guddiga Miiisaaniyadda, Qorsheynta ,waxa ay nala wadaageen talooyin muhiim u ah qorista Qorshaha horumarinta Qaranka, waxaan warbixin ka siinay siduu u dhacay wada-tashiga wareegga koowaad, waan ku soo laaban doonaa guddiga, waqti badan ayaana isla qaadan doonnaa, si mar walbo aan u dhageysano talooyinkooda, kuwaas oo muhiimad ballaaran u leh shaqada culus ee aan wadno” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Sidoo kale Wasiirka Jamaal ayaa warbaxin kooban ka siiyay guddiga maashriicda horumarineed ee dalka ka socda, hadafyada Ballaaran ee wasaaradda horumuudka ka tahay sida shaqo Abuurka dhalinyaradda, dhiiri-gelinta Ganacsatada yar yar oo maal-gelin loo sameynayo,  taasi oo qeyb weyn ka qaadanayso yarenta shaqa yarida iyo kobcinta dhaqaalaha.