Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarisay hab casri ah oo imtixaanaadka loo qaado

Date:

Muqdisho (SNTV) Iyadoo loo diyaar garoobayo imtixaankii guud ee dowladda oo dhicidoona bartamaha sanadkan ayaa wasaaardda Waxbarashada,Hidah iyo Taclinta sare ee dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo la xiriira qaadista imtixaanaadkaasi oo qaab casri ah loo qaban doono.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) ayaa maanta kormeerey Dugsiga Jamaal C/naasir,oo lagu soo kordhiyay qalab casir ah oo loogu talagalay in lagu diyawaangeliyo ardayda imtixaanaadkaasi galaysa oo qaab casri ah oo computreised ah.

mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) oo kormeerka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay habkan cusub oo loogu talagalay qaadista imtixaanaadka guud ee dalka.

“Runtii maanta waxaa ay ahayd maalin aan u kuurgalaynay diyaar garowga imtixaanaadka dowladda  ee 2019-2020,manta waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa kamid ahaa in aan hubino nidaam cusub oo imtixaaanaadka sanadkan cusub lagu bilaabo,sida aad ogtihiin waxaa socday nidaam cusub oo horumarinta waaxyaba iyo guud ahaan wasaradda si loo helonidam casri ah oo imtixaakaasi,waxaan bilownay in imtixaanka uu noqdo qaab computerised ah,sanadkaan waxaan qayaasayna ain la diwaangelindoono  37 ,000 kun oo arday,wuxuu qabsoomi doonaa imtixaankaasi,isbuuca koowaad ee bisha 5-aad ee sanadkan gudihiisa”. Ayuu yiri Jaabiri.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan habkaasi cusub oo casriga ah,oo ay soo diyaarisay wasaaradda,si looga gudbo culeyskii saranaa wasaaraddaasi,wuxuuna sidoo kale sheegay in muhiimad gaar ah uu ay leedahay arrintani.

Ugu dambeyn waxaa uu uga mahadceliyay mas’uuliyiintii wasaaradda iyo howlwadeenadii waqtiga ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahani casriga ah,kaasi oo baahi weyn loo qabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...