Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarisay hab casri ah oo imtixaanaadka loo qaado

Date:

Muqdisho (SNTV) Iyadoo loo diyaar garoobayo imtixaankii guud ee dowladda oo dhicidoona bartamaha sanadkan ayaa wasaaardda Waxbarashada,Hidah iyo Taclinta sare ee dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo la xiriira qaadista imtixaanaadkaasi oo qaab casri ah loo qaban doono.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) ayaa maanta kormeerey Dugsiga Jamaal C/naasir,oo lagu soo kordhiyay qalab casir ah oo loogu talagalay in lagu diyawaangeliyo ardayda imtixaanaadkaasi galaysa oo qaab casri ah oo computreised ah.

mudane C/raxmaan Maxmuud Cabdulle(Jaabir) oo kormeerka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay habkan cusub oo loogu talagalay qaadista imtixaanaadka guud ee dalka.

“Runtii maanta waxaa ay ahayd maalin aan u kuurgalaynay diyaar garowga imtixaanaadka dowladda  ee 2019-2020,manta waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa kamid ahaa in aan hubino nidaam cusub oo imtixaaanaadka sanadkan cusub lagu bilaabo,sida aad ogtihiin waxaa socday nidaam cusub oo horumarinta waaxyaba iyo guud ahaan wasaradda si loo helonidam casri ah oo imtixaakaasi,waxaan bilownay in imtixaanka uu noqdo qaab computerised ah,sanadkaan waxaan qayaasayna ain la diwaangelindoono  37 ,000 kun oo arday,wuxuu qabsoomi doonaa imtixaankaasi,isbuuca koowaad ee bisha 5-aad ee sanadkan gudihiisa”. Ayuu yiri Jaabiri.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan habkaasi cusub oo casriga ah,oo ay soo diyaarisay wasaaradda,si looga gudbo culeyskii saranaa wasaaraddaasi,wuxuuna sidoo kale sheegay in muhiimad gaar ah uu ay leedahay arrintani.

Ugu dambeyn waxaa uu uga mahadceliyay mas’uuliyiintii wasaaradda iyo howlwadeenadii waqtiga ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahani casriga ah,kaasi oo baahi weyn loo qabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...