GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

Date:

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, ee ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladadood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda marxalidihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safiirka ay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo Iskaashiga labada Dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...