MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taasi oo ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qayb qaadashada horumarkiisa.

Madaxweynaha ayaa intii ay socotay munaasibaddu waxa uu daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha guriga martida Jaamacadda Ummadda iyo dhismaha Hal-abuurka iyo cilmi baarista, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...