Wasaaradda Dekadaha oo wax kama jiraan ku tilmaantay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

Date:

Wasaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan aan dustuurka waafaqsaneyn ku tilmaantay heshiis la sheegay dhex maray shirkadda dekedaha DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo maamulka Somaliland. Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskani yahay mid dhaawacay midnimada dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ayaa u qornaa sidan:

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay in uu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Office of the Minist
Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakeiril uga ah arrimaha dekadaha dalka oo

dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;

1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.

2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed
3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah, waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa in ay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...