Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweyne Saddex Maalmood ah kaas oo diiradda lagu saari doono Is dhexgalka Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta Soomaaliyeed iyo qorshayaasha Dowladda, shirkaas oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS, isaga oo kaashanaya Waaxda Arrimaha Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamza Aadan Xaadow, ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda furitaanka.

Shirkaan waxaa isugu yimid 30 hoggaamiye oo ka tirsan qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka kala yimid Qaaradaha Yurub, Waqooyiga Ameerika, Bariga Dhexe iyo Afrika, iyo sidoo kale wakiillo ka socda hay’adaha dowladda federaalka.

Ujeeddada Kulanka ayaa ah in la diyaariyo Hannaanka Is dhexgalka Qurba-joogta (Diaspora Engagement Roadmap), kaas oo la waafajinayo khibradda, xiriirrada iyo maalgashiga Soomaalida dibadda ku nool iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...