Wafuudii Aqalka sare oo kulamo kaladuwan la yeeshey madaxda iyo bulshada maamul goboleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Wafdiga Golaha Aqalka Sare ee Xalinta Qilaafaadka u dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaalya Ayaa kulan Layeeshay Bulshada Rayidka ,Aqoonyahano, Culumaa’udiin,Haweenka Iyo Dhalinyarada Jaamacadaha Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland Ee Garoowe,kuwaasi ay la wadaagayeen isdhaafsiga aragtida ku aadan talaabooyinka dhanka horumarka ah loo qaadayo.

Sidoo kale  Magaalada kismaayo waxaa ku kulmay wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare iyo Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada iyagoo kala hadlay Xaaladda xiligan jirta.

Kulamadan ayaa mas’uuliyiintu waxaa ay xoogga ku saarayaan sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada,Senator Ilyees Cali Xasan oo kamid ah wafuudda Kismaayo oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guulo ay ka soo hooyaan dadaalkooda.

Isla wafuud kale oo ka socota oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa iyana kulamo la yeeshey madaxda Koonfur Galbeed,iyagoo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha haatana taagan.

Magaalada dhuusa-mareeb waxaa sidoo kale shalay gaaray Wafdi kale waxaana la filayaa in maanta ay kulumo gooni gooni ah la qaataan Madaxda ku sugan magaalada.

Xubnaha Aqalke Sare oo gudanaya waajibkiisa Qaran ee Dastuurka KMG ah ee Dalka ayaa wafuud u kala diray Dowlada Goboleedyada xubinta ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana rajo wanaagsan laga muujinayaa in guulo laga soo hooyo kulamadaasi siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...