Home Blog Page 993

Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee Shir Madaxeedka Xaalaadda Dalka Suudaan

0

Mudane Abdi Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika,

Mudanayaasha, Madaxweyneyshaasha, iyo Madaxda hoggaaminaysa wufuudda;
Mudane Musa Faqi, Madaxa Koomishinka Midowga Afrika,

Ugu horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan.

Maanta waxaan halkan u wada joognaa shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna saabsan xaaladda Dalka Suudaan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah.

Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Suudaan waxay si gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga.

Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda Suudaan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda.

Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u qaabbilsanaha Suudaan. Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Suudaan.

Isbitaalka daweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jartay

Muqdisho (SNTV)–Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula).

Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka badan 150 sariirood oo lagu daawaynaayo haweenka la il-daran Xanuunka Isku-furanka (Fistula).

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya ayaa hirey u fulisay olole qaliin loogu sameeyey in kabadan 800 oo bukaaan, Qaliimadaas ayaa ka dhacay Isbitaalka Guud ee Dayniile.

Wasaaradda Cafimaadka Soomaliya waxay u mahad celinaysaa Hey’adda Physicians Across Continents (PAC) oo qeyb weyn ka qaadatay daawaynta iyo qaliimada xanuunka Isku-furanka haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Masar

0

Cairo (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar halkaas oo uu ka furmi doono shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Soomaaliya oo Markale sheegtay inay taageersan tahay sharciyadda Falastiin ee samaysashada dowlad madax banaan

0

Cairo (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shir guddoomiyay kulanka gaarka ah ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir arrimo dibadeed oo ay codsatay Falastiin, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, iyadoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shirkani oo qabsoomay shalay oo Axad ahayd (21 April) ka dhex sheegay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Falastiin ay fure u tahay deganaanshaha bariga dhexe, isagoo caddeeyay taageerrada Soomaaliya ee sharciyadda Falastiin iyo xaqqa Shacabka Falastiin ee ah inay samaystaan dowlad madax banaan oo ku taaggan xuduuddii 1967, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mduane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay shir waynaha  culimada Soomaaliyeed, ayaa ku booriyay culimada in ay asaasaan Golaha culimaa udiinka Soomaaliyeed.

Khudbad uu Shirka ka jeediyay ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Culimadu waligeed ay dawr muhiim ah ku lahaayeen aasaaska, horumarinta iyo hagidda dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, hadana laga doonayo iyaga oo midaysan in ay kala shaqeeyaan dawladda dhismaha dawlad wanaagga iyo hir-gelinta dastuur heshiis lagu yahay oo aasaas ay u tahay shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay dalka ka jirto dhibaato amni oo salka ku haysa afkaar qaldan, sida kaliya ee looga guulasayn karaana ay tahay in culimadu iyaga oo wadajira ay dawrkooda ka qaataan oo umadda u sheegaan dhibaatada uu leeyahay fikirka xag-jirnimada ku salaynsan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka dalbaday culimada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hor tagaan arrimaha shareecada ka hor imaanaya, Horumuudna ay u noqdaan horumarka dalka iyo  dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa raaciyay In ay muhiim tahay in culimo, shacab iyo dawladba ay isu kaashadaan hir-gelinta natiijada kasoo baxda shir waynaha  culimada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay furay Shir waynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo kaalinta culimada Soomaaliyeed ee Geedi Socodka Amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka, ayna kasoo qayb galeen Culima Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Masar kaga qayb-gelaya Shirka Midowga Afrika ee Xaaladda Dalka Suudaan

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Gaadiid ku wareejisay Maamulada Federaalka

0

Muqdisho (SNTV):- Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiis Wasaaradu ay ku wareejisay 7-gaari oo looga talagalay howlawadeenada canshuuraha gobolka Banaadir, Dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxaanna madashii lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow), ku-xigeenkiisa Maaliyadda iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo furayaasha gawaarida ku wareejiyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada harayna ay ku wareejin doonaan gaadiid loo qoondeeyay oo diyaarsan ujeedkuna yahay xoojinta Hay’adaha canshuuraha heer gobol.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku hadlayay Afka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda Gaadiidkani looga talagalay canshuur qaadista.

Gaadiidkani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay ku doonayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku horumariso Hay’adaha Maaliyadda ee heer gobol si loo gaaro isku filnaan ku dhisan iskaashi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo magaalada Qaahira kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Masar

0

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Masar.

Madbuuli waxa uu bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada ururka ku jira.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku faraxsanahay in Culimadeenna iyo Dowladdu ay u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta”

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.

“Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta.

Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannada Sabiib iyo Caanoole

0

Muqdisho (SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Argagaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.

“Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen.