Mashruuca dhismaha biya xireen iyo ceel biyood xarigga laga jaray.”sawirro”

Date:

Xildhibaan Cabdulkaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xariga ka jaray Mashruuca dayactirka ceel biyoodka iyo Biyo Galinta Degaanka Isgoys oo uu ka hirgaliyey tuuladda isgoys ee degmadda Balcad , halka uu dadka deegaanka gaarsiiyey deeq ka kooban agabka laga galo roobka iyo dhaxanta maadama lagu jiro xili robaad.

Dayactirka Ceel biyoodka degaanka Isgoys ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 500 oo qoys oo guryahooda loogu galiyey biyaha si lacag la’aan ah , kuwaa oo baahi badan u qabay in ay helaan biyo Wanaagsan , iyagoo ka doonan jiray meelo aad uga fog degaanka isgoys.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow ayaa waxa ku wehliyey munasabadda xariga looga Jarayey Ceel biyoodka Isgoys Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka , Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon.

Dadka degaanka ayaa Xildhibaan Carabow uga mahadceliyey dayactirka ceel biyoodka iyo sida ay uga go’an tahay wax u qabashadda iyo garab istaagga Dadkiisa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...