Mashruuca dhismaha biya xireen iyo ceel biyood xarigga laga jaray.”sawirro”

Date:

Xildhibaan Cabdulkaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xariga ka jaray Mashruuca dayactirka ceel biyoodka iyo Biyo Galinta Degaanka Isgoys oo uu ka hirgaliyey tuuladda isgoys ee degmadda Balcad , halka uu dadka deegaanka gaarsiiyey deeq ka kooban agabka laga galo roobka iyo dhaxanta maadama lagu jiro xili robaad.

Dayactirka Ceel biyoodka degaanka Isgoys ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 500 oo qoys oo guryahooda loogu galiyey biyaha si lacag la’aan ah , kuwaa oo baahi badan u qabay in ay helaan biyo Wanaagsan , iyagoo ka doonan jiray meelo aad uga fog degaanka isgoys.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow ayaa waxa ku wehliyey munasabadda xariga looga Jarayey Ceel biyoodka Isgoys Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka , Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon.

Dadka degaanka ayaa Xildhibaan Carabow uga mahadceliyey dayactirka ceel biyoodka iyo sida ay uga go’an tahay wax u qabashadda iyo garab istaagga Dadkiisa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...