Soomaaliya oo 29 Sano kadib dib ugu biirtay Urur Goboleedka Bariga ee la dagaalanka Ayaxa ee loo yaqaano (DLCO-EA).

Date:

Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii  64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee   ee Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka ururka goboleedka DLCO-EA.

Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka ee sanadkaan iyo Agaasiimaha Guud ee Ururka Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka Ayaxa guurguura ee lama dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka DLCO,

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo Shirkaan ka qayb galay ayaa si rasmi loo gudoonsiiyay xeer-asaaska Ururka kaasoo si rasmi Soomaaliya dib uga mid noqon doonto  Ururkaan oo taariikh weyn kuleh gobolka ayaa waxaa la aasaasay 1962 iyadoo Soomaaliya ay xubin buuxda ka ahayd ilaa markii la aasaasay iyadoo uu xarumo waaweyn ku lahaa Soomaaliya.

Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada hayaama dhib weyna ku haya beeraleyda Soomaaliyeed.

Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa goboladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan  goboladda koonfureed  Gu’gii aan soo dhaafney ayna  dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo Masagada.

Hadaba, dib ugu biiridda Urur goboleedkaan  waxay Soomaaliya u fududeen doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yereen doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.

DLCO-EA ayaa waxay leeyihiin diyaarado u diyaarsan la dagaalanka ayaxa iyo shimbiraha.        

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...