Home Blog Page 994

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hubinta iyo tirakoobka Shaqaalaha Dowladda iyo qodobba kale

0

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka Caafimaadka Dalka, ka dib kulankoodii Khamiislaha ahaa ee ay Shalay ku yeesheen Muqdisho.

Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada, ayaa Golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka caafimaadka Dalka oo ka qayb qaadanaya dedaallada horumarinta arrimaha Bulshada ee Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay tikarboob madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Kulanka Golaha oo uu Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Dalka, tayeynta waxbarashada iyo heerka uu marayo wajiga Labaad ee dib-u-habeynta ciidamda qalabka sida ee Dalka.

  

Shirka Maamulada gobolada iyo degmooyinka K/galbeed oo lagu soo gabagabeeyey Magaalda Beydhabo

0

Shirkan oo muddo todobaad ah ka socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa loo qabtey  Mas’uuliyiinta maamulada gobalada iyo degmooyinka koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta koofurglabeed.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo kamid ahaa masuuliyinta shirka ka qeybgaleysay ayaa warbaahinta Qaranka  u Sheegey in shirkan u ahaa mid looga hadlayey horumarinta adeega Dowliga iyo baahinta adeegyada Dowladda, sidoo kale, wuxuu intaa ku darey in sigaar ah diirada loogu saarey sidii cadowga Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobolada Maamulka koofurgalbeed

Gudoomiye Ibraahin aadan Cali Najax ayaa sidoo kale waxa uu Sheegey in  Shirkan  aad muhiim ugu ahaa shacabka Koonfur Galbeed una horseedi doona amni, horumar iyo nabad kuwada noolaansho.

Deegaanada Koonfur galbeed ayaa inta badan laga saaray Ururka Al-Shabaab,waxayna shacabka ku naaloonayaan nabad iyo Barwaaqo iyagoo garbaha ay ka taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    

Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb galay furitaanka Beerta midnimada ee hoggaamiyeyaasha Dalalka Geeska Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal.

Mudane; Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo ah mid ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya Dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka.

          

Madaxweyne Farmaajo duulimaadyada toos ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ganacsiga ayay kor u qaadday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya & Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyayaal cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Tigreeto uu soo saaray ku Magacaabay taliyaal cusub oo ka mid ah xoogga dalka

S/Guuto Mahamed Cali Bariise ayaa Madaxweynuhu u magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halka S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka/lugta.

dhawaan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu u magacaabay taliyaasha ciidanka afarta qayboda sida xoogga dalka Booliska,Asluubta iyo Nabadsugidda iyadoo ujeedku yahay in la dardar galiyo sugidda amaanka dalka iyo xoojinta la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf ah taas oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaaddeen dalkooda labaad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay abaal weyn u gashay ummadda Soomaaliyeed isaga oo uga mahadceliyay dadaalkii iyo wakhtigii ay geliyeen in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama oo Carta lagu soo dhisay Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu horreysay burburka ka dib.

“Dowladnimada Soomaaliya burburka ka dib Carta ayay ka soo bilaabatay, waxaana taas suurtageliyay hoggaaminta walaalkeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadka walaaleheenna ah ee reer Jabuuti. Runtii juhdi iyo wakhti ayay geliyeen inay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo dowladdii ugu horreysay ee kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti.”

Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa dhankiisa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo dareenka walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay ku qaabileen intii ay waddanka ku sugnaayeen isaga oo Soomaaliya u rajeeyay horumar, nabad iyo xasilooni siyaasadeed.

Munaasabadda casho sharafta waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo”marnaba kama tanaasuli doono soo celinta sharafka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeedinaya KHudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 6aad ee golaha baarlamaanka ayaa ka hadlay dhowr arrimood isagoo soo hadal qaaday dadaalada dowladda Soomaaliyeed ugu jirto soo celinta sharafta iyo karaamadda Ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahayd caalamka.

“Waxaan idiin xaqiijineynaa inaan mar walba ka daali doonin inaan soo celino sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed lahayd inta aan xafiiska joogno.waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa dowladda iyo shacabka intaba inay u midoobaan sidii ay u tirtiri lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee caadeystay dhibaateynta dadkeena” ayuu yiri madaxweynaha.

waxaa uu ka codsaday golaha baarlamaanka inay dardar galiyaan sharciyadda horyaala sidii ay u meel mari lahaayeen iyo kuwa kale ee la hor keeni doono isagoo sheegay in dowladda ay guulo waa weyn ka gaartay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo hormarinta hay’adaha maaliyadda dalka.

arinta deyn cafinta madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay buuxinta sharuudihii lagu xiray si dalkeena looga cafiyo deymaha faraha badan inta harsana ay ka go’antahay in la dhameystiro.

Dib u-heshiisiinta ayuu ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu si gaar ah uga hadlay shirkii dib u-heshiisiinta Galmudug ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

“Waxaan naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Soomaaliya oo xustay Maalinta Boostada Adduunka

(Muqdisho, Oktoobar 9, 2019) Dalka Soomaaliya ayaa maanta boostada caalamka la xusaya Maalinta Boostada Adduunka, iyada oo sanadkan ay ku soo aadeyso xilli Boostada Soomaaliya ay u buuxsantay muddo 60 sano ah markii aan xubinta ka noqonay Ururkaas.

Isaga oo ka hadlayay xuska munaasabaddan, ayaa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, waxa uu sheegay in ay heer gabagabo ah marayaan dadaallada dib loogu billaabayo dirista boostada dalka, taas oo dhammaystiri doonta dib-u-howlgelinta boostadii dalka.

Md. Eng Cashuur ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd boostada dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada boostada casriga ah iyo kuwa dawladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga teknolojiyada adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta boostada maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1969-kii . Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ku biirtay Midowga Boostada Adduunka 1dii Abriil 1959-kii, taas oo ah waqti ka horreeyay qaadashadii gobannimada. Hase yeeshee nasiib darroo adeeggaas oo ay ka shaqeyn jireen in ku dhow 3 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa la burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

DHAMMAAD