Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya

Date:

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa garoonka kubadda cagta cabdullaahi ciise ee magaalada Gaalkacyo ugu deeqay lagac lagu dhisayay ayaa madaxda wasaaradda dhalinyarada Galmudug iyo ciyaaraha ay sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu dhisi lahaa garoonka iyada oo ay ku hawlan yihiin guddi wasaaradda ciyaaraha  Galmudug u xilsaartay dhismihiisa.

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo lahadlay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee ayaa sheegay in magaalada

Gaalkacyo uusan ku Noolin garoon ku wanaagsan ciyaaraha xilligaana guddiga uxilsaaran dhismaha garoonku ay ku mashquulsan yihiin meel wanaagsana  ay wax umarayaan garoomada lagu ciyaari jiray oo bacaad ahaa ayaa laga maarmayaa marka rooga la saaro garoonka

Qorshaha lagu dhisayo garoonkan oo soo bilawday sanadkii hore  ayuu Cumar Cabdi sheegay in fursad weyn ay u tahay dhalinyarada soomaaliyeed  ciyaarahana horumar laga sameeyey Galmudug maadaama uu yahay mid aad u weyn waqti dheerna lagu ciyaarayey

Garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo oo ubaahnaa dayactir waxaa ku ciyaara kooxo kala duwan oo ka jira magaalada Gaalkacyo xilliyada qaarna waxa lagu qabtaa ciyaaraha gobollada ee wasaaradda ciyaaraha Galmudug marti geliso bahda ciyaaraha ayaa sugayey in ay helaan garoon ku haboon ciyaaraha waana tallaabo dhanka horumarka loo qaaday in la hirgeliyo Garoon caalami ah magaalada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...