Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya

Date:

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa garoonka kubadda cagta cabdullaahi ciise ee magaalada Gaalkacyo ugu deeqay lagac lagu dhisayay ayaa madaxda wasaaradda dhalinyarada Galmudug iyo ciyaaraha ay sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu dhisi lahaa garoonka iyada oo ay ku hawlan yihiin guddi wasaaradda ciyaaraha  Galmudug u xilsaartay dhismihiisa.

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo lahadlay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee ayaa sheegay in magaalada

Gaalkacyo uusan ku Noolin garoon ku wanaagsan ciyaaraha xilligaana guddiga uxilsaaran dhismaha garoonku ay ku mashquulsan yihiin meel wanaagsana  ay wax umarayaan garoomada lagu ciyaari jiray oo bacaad ahaa ayaa laga maarmayaa marka rooga la saaro garoonka

Qorshaha lagu dhisayo garoonkan oo soo bilawday sanadkii hore  ayuu Cumar Cabdi sheegay in fursad weyn ay u tahay dhalinyarada soomaaliyeed  ciyaarahana horumar laga sameeyey Galmudug maadaama uu yahay mid aad u weyn waqti dheerna lagu ciyaarayey

Garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo oo ubaahnaa dayactir waxaa ku ciyaara kooxo kala duwan oo ka jira magaalada Gaalkacyo xilliyada qaarna waxa lagu qabtaa ciyaaraha gobollada ee wasaaradda ciyaaraha Galmudug marti geliso bahda ciyaaraha ayaa sugayey in ay helaan garoon ku haboon ciyaaraha waana tallaabo dhanka horumarka loo qaaday in la hirgeliyo Garoon caalami ah magaalada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...