Norway oo Soomaaliya siineysa deyn gaareysa $353 Milyan

Date:

War saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Norway ayaa lagu sheegay in ay Dowladdoodu Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayon nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Sadex meelood meel kamid ah(1/3) deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hey´addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hey´adda lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka. Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey´addahaas.

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Dag-Inge Ulstein Norway, ayaa maanta sheegtay in hadii sadexdaas deynmood meel la saaro, ay Soomaaliya toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC (Highly Indebted Poor Countries Initiative).

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Wasiirka deeqaha Norway Dag-Inge Ulstein ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto 16 milyan Dollar oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga Sanadka danbe la isugu yimaaddo kulan ka dhici doono Magaalada Paris.

Deyntan ayaa Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii (xisaabtii) ay ku lahayd Sanduuqa horumarinta Bankiga Adduunka, looguna oggolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Dowladda Norway ayaa kamid ah Waddamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxayna Sanadkii lasoo dhaafay ku caawisay 62 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...