Home Blog Page 992

Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Bilicda iyo Amniga Caasimadda

0

Abril 24, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la galay xilli roobaadkii.

Eng.Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda, gaar ahaan mulkiileyaasha goobaha ganacsiga in ay la shaqeeyaan hawla wadeennada Dawladda Hoose ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta bilicda iyo fayo dhawrka bulshada.

Sidoo kale, Shirka Tubta Gobolka waxaa lagu soo bandhigay dib u eegsita Xeerka Maareynta Qashinka, Looxa hawllaha Halbeegyada Tubta, Dhammeystirka Qalabka Electronic-ga ah ee Gobolka iyo wada shaqeynta Maamullada heer Degmo iyo Laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isla meel dhigay dardar gelinta ka qeyb qaadashada barnaamijka Isxilqaan ee dalka lagu dhisayo, iyagoona uga mahadceliyey qeybaha bulshada doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, dayactirka iyo biliceynta Gobolka.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

 

Maamulka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

0

Muqdisho (SNTV) Kulan looga hadlayay dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uuna soo qaban qaabiyay Xafiiska maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda ayaaa lagu qabtay Muqdisho,waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaa.

Intii uu socday kulankaasi ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo fekrado ku aadan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya xoojinta iyo dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda,iyadoo laga duulayo hannaanka shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaatay waajibaadka shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha,iyadoona lagu soo bandhigay habka xaadirinta suulka ee (finger-printing)  taasi oo hab casri ah,oo lagula socon doono xogta shaqaalaha .

Agaasimaha maamulka iyo maamliyadda ee wasaaradda mudane Guuleed Maxamed Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa shaqaalaha wasaraadda kula dardaarmay in qof walba oo shaqaaleka ah wasaaradda uu ilaaliyo waajibaadkiisa shaq, iyadoo isna la ilaalinayo xuquuqdiisa .

Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in dhamaan shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxaha wasaaraddda ee ka soo qayb galay madashan  ay si wadajir ah loogu adeego Qaranka.

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole.

Ciidammada DANAB ee Xoogga Dalka ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Maleeshiyada Itaalka darran ee Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa  ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada Al-shabaab.

Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray.

“Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta

Horjoogeyaal katirsanaa Al-shabaab oo Dowlada isku soo dhiibay

0

Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Labadaan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud.

Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka.

Raggaan ayaa waxay qeyb ka ahaayeen horjoogayaasha qarsoon  ee tallada  kooxda wax ka gooynayay , taas oo ka dhigan  farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa waxay la socdeen gaari Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo  ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilaal kala duwan kasoo qabtay  kooxda Al-Shabaab,Iyadoo ay jagooyinkaas ka mid ahayeen  xubin u ka ahaa  Golaha Shuurada waxaa uu umatali jiray  gobolka Jubbada Hoose,sidoo kale Aadan Coobe ayaa hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa  gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa lagu hayaa goob nabdoon, saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta furay tababar ku saabsan Hanaanka sharci Qorista

0

Tababarkaan oo socon doona labo maalin ayaa maanta waxaa ka furay magaalada Muqdisho Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Wuxuu ku saabsan yahay habka qorista shuruucda iyadoo ay ka qayb galayaan xubno matalaya qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda sida Wasaaradda Arrimaha gudaha ,Amniga, Dastuurka sidoo kale Maxkamadaha iyo xafiiska xeer ilaalinta iyo sidoo kale Jaamacadaha qaar ayaa ka qayb galaya barnaamijkanlabada maalin ka soconaya magaalada Muqdisho.

Dr Xasan Jaamici oo dhawaan ka yimid Dalka Mareykanka ayaa ka mid ah qubarada dhanka sharciga ee bixinaya Tababarka mas,uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ayaana sheegay in Barnaamijkaanu muhiimad weyn u leeyahay bahda garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo tababarka furay ayaa faah faahiyay muhiimadiisa iyo qaabka uu u dhici doono.

“Tan iyo markii la ii magacaabay xilka wasiirka Cadaaladda waxaan dadaal dheer u galay sidii loo hormarin lahaa waaxda qorista Shuruucda oo ah waax muhiim ah tababarkaani qorshahaas ayuu qayb ka yahay waana naga go’antahay waxaan idinkula talinayaa inaad ka faa,iideysataan labada maalin ee uu socdo”ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha JFS oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada kooxda Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar.

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo soo bandhigtay waxyaabaha uga qabsoomay Halbeegyadeeda

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo bandhigtay waxyaabihii uga qabsoomay halbeegyada Wasaaraddu ku leedahay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha.

Wasiirka, Md. Cabdi Cashuur Xasan, oo ka hadlayay habeegyada ayaa sheegay in wasaaraddu leedahay 9 halbeeg oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mudnaanta u leh ee ay ka shaqeyneysay tan iyo 2017-dii, kuwaasoo ka baxsan hawl-maalmeedka Wasaaradda.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in afar ka mid ah sagaalka halbeeg in 100% la dhammeeyay, halka shanta soo hartay hawlo badan ay ka socdaan, qaarkoodna gabogabo ku dhow yihiin.

“Hadduu Alle idmo marka lagu wada guuleysto halbeeygadan waxaan rajeyneynaa in isbeddel muuqda laga dareemi doono isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Guji mareegtan si aad u aqrisato buug-yare lagu soo ururiyay Halbeegyada WBIT.

Halbeegyada-WBIT-ee-Tubta

Dhagar qabe ka tirsanaa Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kadib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, Ciidanka amniga ayaa waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaaan dhagarqabe Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay hay”adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah fahiyay howlgalkaasi lagu soo qabtay dhagar qabahan oo ku tirsanaa Alshabaab.

Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaysta.sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA

Dhanka kale Hay’adda NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidan uu soo gaaray magaalada Muqdisho, ee caasimaadad Soomaaliya,kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanayd Alshabaab.

“Waxaa Muqdisho soo gaaray Aadan Coobe, oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay nabadsugidda Qaranka.

Muddooyinkii ugu dambeyeye waxaa sii kordhayay tirade horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiiba dowladda,kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu baacsanayo,iyadoo qaarna ay fahmeen fikirka qaldan oo ay ka dhaadhiciyeen alshabaab.

 

Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee Shir Madaxeedka Xaalaadda Dalka Suudaan

0

Mudane Abdi Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika,

Mudanayaasha, Madaxweyneyshaasha, iyo Madaxda hoggaaminaysa wufuudda;
Mudane Musa Faqi, Madaxa Koomishinka Midowga Afrika,

Ugu horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan.

Maanta waxaan halkan u wada joognaa shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna saabsan xaaladda Dalka Suudaan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah.

Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Suudaan waxay si gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga.

Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda Suudaan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda.

Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u qaabbilsanaha Suudaan. Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Suudaan.