Ra’iisul wasaare ku xigeenka: “ICJ waa markii ugu dambeysay ee dacwadda ay dib u dhigeyso.

Date:

Maxkamadda Caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa dacwaddii badda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dacwadda la qaadi doono 8 -12-ka June ee 2020.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oggoshahay go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Fadhigii hore ee gar-maqalka labada Dal ayaa loo asteeyay 9 illaa 13-ka September ee sanadkan, hase yeeshee Kenya ayaa ka dalbatay ICJ in ay waqti dheeri ah u baahan tahay, sabab ay ku sheegtay in ay kala dirtay qareennadeedii ku metelayay dacwadda.

Maxkamadda ICJ ayaa codsiga Kenya oo sanad ahaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in muddo laba billood ah horay loo dhigay jadwalkii hore, waxaa ay ICJ asteysay 4-ta November ee isla sanadkan.

Aqbalaadda ay Soomaaliya akhbashay dib u dhigista dacwadda ayaa lagu tilmaamay biseyl ay gaartay Soomaaliya isla markaana muujinaysa kalsoonida ay ku qabto lahaanshiyaha biyaheeda, una hoggaansami doonto xukunka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ICJ.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...