Wasiiru Dowlaha iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Date:

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Kuxigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxda ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee ay horay isula garteen labada dowladood.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlalaha iyo Kusimaha Agaasimaha Madaxtooyada ayaa uga warbixiyay Danjiraha fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo isdhaafsiga ganacsiga ee ka dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shiinaha.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay kobaca muuqda ee dhanka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, isaga oo muujiyay in ay ka go’an tahay dalkiisa sare u qaadidda iskaashiga maalgashi iyo ganacsi.

 

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...