Home Blog Page 991

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay dhiggiisa Japan.

0

 Shalay oo Khamiis ahayd (29 August), Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed.

Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya  inta u dhexeysa 28-30 August.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka,  loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993.

Xukuumadda oo Taageertay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka qaadatay Doorashooyinkii Jubbaland

0

Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.

Wasaarada Amniga Hirshabeelle oo Sheegtay in la diyaariyey ciidamadii ka howlgali lahaa degmooyinka cadowga laga xoreeynayo

0

Munaasabad tababar loogu soo xireyey Ciidamo  gaaraya laba boqol oo Askari oo qeyb ah Booliska gaarka ah ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacday Magaaladda Jowhar, waxaana kasoo qeyb galay  Madaxweynaha Maamulka Mudane  Maxamed Cabdi Waare iyo Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabeelle, saraakiil ka socota Booliska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle  Mudane C/qaadir Aadan Jeelle oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka waxa u sheegey in Ciidanka maanta tababarka loo soo xeray ay yihiin  Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Booliska Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegey in Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ay suurta gashay inuu yeeshaan Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga Deegaanada HIrshabeelle.

Wasiirka C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadaan tii ka horeysey ay ka qeyb qaateen isku-furka wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar, iyaddoo dufacadaan ay ugu tala galeeen xoreynta degmooyinka Argagixisada Alshabaab ay ku dhuumaaleysanyaan iyo siddii ay  u xaqiijin lahaayeen amnigooda.

Ugu Dambeyn Wasiir jeelle ayaa sheegey in dhawaan ay bilaaaban doonaan howllgalo looga xoreynayo Kooxda Alshabaab ee Baxsadka ah guud ahaan deeganada ay kaga dhuumaaleysanayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle, isaggoo Qeybaha Shacabka ugu baaqey iney garab istagaan Ciidamadooda.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo kormeeray Xafiisyada Dowladda Hoose

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan saraakiisha xafiisyada , wuxuuna ammaanay  hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey.

Guddoomiyaha cusub ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay Bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka waaxihii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda geli doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla”ayuu yiri, Guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.

Madaxweynaha K/Galbeed oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofur galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee ay Khamiis walba yeeshaan golaha Wasiirrada ee maamulkaasi.

Kulanka oo looga hadlay arimaha ammaanka dhaqaalaha, shaqalaysiinta Bulshada Reer Koonfur Galbeed iyo qodobbo kale, ayaa waxaa warbixinno looga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiirrada, waxanay sheegeen in ay howluhu u socdaan sidii loogu tala galay.

Isaaq Cali Subag, Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka koonfur galbeed, ayaa laga dhegeystay warbixin ku Saabsan nabad gelyada guud ee degaannada KGS, wuxuuna sheegey in Todobaadkii lasoo dhaafay aan wax qalalaasa ah ka dhicin Gobollada Baay Bakool iyo Shabeellada hoose.

Shirka ayaa sido kale waxaa looga hadlayxXoojinta wada shaqaynta Wasaaradaha maamulkaasi iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha KG loona kobcin lahaa, si wax loogu qabto Shacabka ku dhaqan koofur galbeed.Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa sido kale Shacabka ugu baaqay in ay isku howlaan sidii wada shaqayn dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha amniga, si looga hortago dhibaatada Argigixisada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha gudaha” Shirkii aan caawa yeelanay madaxda Ahlu sunna waxaa lagu xaliyay tabashooyinkii Jiray” daawo Vedio ga

0

#dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Maxamed Sebriye ayaa sheegay in shir Dhuusamareeb uu kula yeeshay xalay lagu xaliyay kala aragti duwanaanshiyihii ka dhex jira Dowladda federaalka iyo Madaxda Ahlusunna.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τετάρτη, 28 Αυγούστου 2019

Diyaaradda Air Uganda oo duulimaad toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho +Sawirro.

0

Xaflad lagu daahfuray duulimaad toos ah oo  diyaaradda Udanda Airlines ay ka sameyn doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa saaka lagu qabtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde halkaas oo lagu shaaciyay duulimaadka Air Uganda ee Muqdisho to Kampala.

Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale sidoo kale Safiirada beesha Caalamka ee Soomaaliya jooga waxaana halkaaas lagu shaaciyay in Air Uganda ay duulimaad joogto ah ka sameyn doonto Muqdisho iyo Kampala wixii hadda ka bilowda iyadoo duulimaadkii ugu horeeyay saaka bilowday.

horay ayay 2013 kii Uganda Airlines duulimaaadka uga bilawda Muqdisho hase ahaatee waa joogsaday waxyar ka dib maadaama duulimaadyada guud ahaa shirkadaas ay hakad galeen sababo dhaqaale xumo la xiriira.

 

Danjire Abuukar Baale: Waxaan ku bogaadinayaa Golaha Amaanka ee QM diidmada qaraarka tirsigiisu yahay 1267

0

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah.

“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

“Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur.

Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan.

Wafdi uu hogaaminayo Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay.

0

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur  ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug.

Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo.

Xukuumadda Soomaaliya Oo Caddeysay in Dowladdu Aysan Jebin Qodob Kamid ah Heshiiskii Ay La-Gashay Ahlu Sunna

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha ghudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay Bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in Dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan Dowlad Gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay in dowladdu ay mar waliba u taagantahay fullinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay.

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda iyo Madaxa fullinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.