Home Blog Page 991

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye ku xigeennada Gobolka, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta, si looga hortago falalka arxan darrada ah ee Argagixsadu ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka.

Hirshabeelle oo dalbatay in gargaar loo fidiyo Dadkii ku barakacay dagaalladii ka dhacday Shabeellada dhexe

0

Jowhar (SNTV):- Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta Hirshabeelle, C/kariin Cali Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaanahan booqasho ku marayay degaannadii lagu dagaallamay ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa ku baaqay in gargaar Bini’aaddannimo loo fidiyo Dadka halkaasi ku tabaalaysan.

Wafdigan oo safar Dhulka ah ku maray  , Burdheere, Qoodaar, Xaaji Cali , Raage Ceelle iyo degaanno kale oo hoos taga Cadale iyo Warsheekh, ayaa  sheegay in la gubay qaar ka mid ah Tuulooyinkaasi, Dadka halkaasi ku suganna ay macaluul la Il-daran yihiin.

Wuxuuna Dowladda Federaalka, Maamulka Hrshabeelle iyo Beesha Caalamkuba ka codsaday in Gargaar deg-deg ah lala soo gaaro Dadka halkaasi kasoo barakacay  oo ay isugu biireen Fatahaado iyo nolol xumo kale.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen qaar ka mid ah Culimada iyo wax garadka , wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii degaannadaasi loogu soo dabbaali lahaa nabad gelyo, loona sii dardar gelin lahaa wada hadalladii u socday Labadii Beelood ee halkaasi ku dagaallamay.

Mudane,C/kariin Cali, Wasiirka dib u heshiisiinta ee maamul Goboleedka Hirshabeelle, ayaa sheegay in Dadka halkaasi kasoo bara kacay ay doonayaan in ay ku laabtaan degaannadoodii hore, balse inta ka horreysa loo baahan yahay in si fool ka fool ah ay isu soo hor fariistaan wax garadka iyo cuqaasha Labada dhinac, si loo soo gaba-gabeeyo dirirta sokeeye ee halkaasi ka aloosan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xafiiskiisa kula kulmay Wafdi ka Socda Dalka Masar

0

Muqdisho (SNTV):- Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Masar oo soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxayna   kawada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dhanka ciidamada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in Dowlada Masar ay ka qeyb qaadato tababarida ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyabihii la isku afgartay, wuxuuna uga mahadceliyay Dowlada Masar kaalinta ay ka qaadaneyso tababarada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu Hoggaaminayo Sareeye Gaas Waxiid Cizaad Ibrahim ayaa waxey imaan shahooda Muqdisho ku soo beegmeysaa xilli dhowaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen sidii Dowladda  Masar ay ugu tababari  laheyd ciidamada  Soomaaliya.

Xildhibaano ku soo baxay doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo

0

Baydhabo (SNTV):- Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu qabtay doorashada Kuraas ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu banneeyay agaasimihii Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Cali Afgooye ayaa helay dhammaan codadkii Ergadu dhiibteen ee ahaa 51 Xubnood, musharraxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa.

Sidoo kale, Nuur Siidow Baaba Xasan ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyey Marxuum Axmed Mayow Cabdulle ( Korneyl Ruush).

Nuur Siidow ayaa helay 48-Cod oo ka mid ah codadka 50-ka Ergo ee codeysay, halka musharaxa kale ee Fiqi C/llaahi uu helay 1-cod, halka 1-cod kale uu halaabay.

Cali Cadow Maxamed ayaa ku guuleystaay Doorashada boos buuxinta kursiga uu banneeyaay Madaxweynaha Koonfuur galbeed ka dib markii uu helay 28-cod halka musharaxiintii la tartameysay ay kala heleen.

Cabdicasiis Cali Macallim uu helay 16-cod

Shamso Ibraahim Maxamuud waxay heshay 4-cod halka 3-cod kale ay halaabeen.

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah Eedeysane C/risaaq Xuseen Tahliil

0

Muqdisho (SNTV):- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo racfaan ka soo qaatay xukuno horay ugu riday Maxkamadda,waana markii saddexaad oo dacwadan la dhageysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay.

Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda,balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan,waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada,wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska.

“ Kiiska sidaasi ayuu ku gabagabeysan yahay,wixii go’aan ah Maxkamadda dib ayay ka soo sheegi doontaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa xilliyo kala duwan loo xiray arrimo la xiriira argagixisanimo,waxayna Maxkamadaha ciidamada Puntland xilliyo kala duwan ku xukumeen dil iyo xabsi,balse Bishii November 2018, ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Heer Federaal looga fursan waayay Kiiskan oo culeyskiia lahaa oo ay la soo wareegtay.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Boosta, isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa maanta la wareegay xarunta taleefannada dalka oo ku taalla degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir.

Wasiirka ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay gudaha xarunta ayaa ku sheegay in ugu dambayn June 10, 2019 in dib-u-dhis lagu billaabayo, marka lagu guulaystana dhismahana laga dhigayo xarun tababar oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kusoo bandhigaan hal abuurkooda la xariira Teknoolojiyadda.

Qoysas ku harsan oo qayb ka ahaa dadkii ku noolaa dhismaha intii aan dowladdu dib ula soo wareegin ayaa wasiirku ku war-geliyay in ay ka guuraan inta aan la gaarin waqtiga loo qorsheeyay in uu billaawdi dib-u-dhiska  si ay qayb uga qaadato fududaynta adeegyada wasaaraddu bixiso iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Boosta oo dib u soo celiyay adeegyo badan oo lagu waayay burburkii dalka ayaa maalma ka hor waxa ay shaacisay in dib-u-dhis lagu billaabayo xarunta machadka tababarka isgaarsiinta qaranka, arrintaas oo qayb ka ah daadejinta adeegyada wasaaradda iyo hir-gelinta halbeegyada ay ku leedahay tubaha qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Warta Biyo qabadka Degmada Boondheere

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada deegaanka lala yeeshay, si baahidooda wax looga qabto, iyagoo codsaday in loo dhiso xarunta Biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ku haysay shacabka deegaanka.

“Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada, bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan, anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyhu ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay in aysan biyuhu gudbin”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la ballaariyey, si casri ahna loo dhisay, tanoo qeyb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka, isla markaana la howlgelinayo dhammaan goobaha biyo qabadka ee Caasimadda, si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah. Degmada Boondheere ayaa kamid ah degmooyinka uu shacabka dagan sanad walba roobabku u geysto khasaare naf iyo maal, waxana sanadkii hore ku dhintay 7-ruux.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda oo si Isxilqaan ah u dhisay Warta biyo-qabadka Xamar Jadiid, waxuna si gaar ah ugu ammaanay muwaadin Axmed iyo shirkadda Gaagaale oo ku deeqday qalabka howsha lagu fuliyey.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya casharadii laga bartay roobabkii sanadkii hore da’ay ayaa diyaariyey dhuumaha biyaha qaada ee degmooyinka iyo xarumihii biyo-qabadka Caasimadda, iyadoo la howlgeliyey booyaha biyaha saara.

Howlgal dagaal iyo gargaar wada socda (Warbixin)

0

Waxaa sii kordhaya kala firaxdaka Kooxda, waxaa kaloo sii kordhaya isu soo dhiibka gacanta Dowladda, isi soo dhiibka waxaa ugu dambeeyay laba Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labadan horjooge ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Goobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay Saraakiisha Ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka, waxaana Raggaan lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee talada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur noociisu yahay Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo kaddibna ka soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere, kan ugu weyn waxaa la yiraa Aadan Goobe, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa haatan lagu hayaa goob nabdoon, iyadoo saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab ay ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Dhanka kale Hay’adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda uu soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee caasimaadad Soomaaliya, kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanayd Alshabaab.

Dhanka kale Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole. Ciidank DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Maleeshiyada Itaalka darran ee Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada Al-shabaab, waxaana arrintaani faahfaahin ka bixiyay Afhayeenka ciidanka Danab Dr. Mawliid Axmed Xasan, wuxuuna sheegay in markii la qabtay Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ay Ciidamadu gaarsiiyeen Deeq Raashin iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen Dadka Deggan Goobahaasi, shalayna waxaa la gaarsiiyay Mucaawino kale oo ka kooban Raashin iyo qalabka Guryaha.

“ waxaa kaloo aan goobtaasi ka furnay goob Caafimaad, maadaama ay ka muuqdeen Haweenka iyo Carruurta nafaqo-darro aad u ba’an, haddana waxaa ku talo jirtaa inaan ka abaabulno Dugsiyo ama goobo Waxbarasho oo ay naga codsadeen dadka Deegaanku inaan u sameeynno, maadaama ay ka jirto Waxbarasho la’aan iyo Caafimaad la’aan, goobtii Caafimaadkana waxaan ku wareejinay dadka deegaanka, maadaama xilli roobaab la galay waxaan gaarsiinay Agab ay Guryaha saartaan ama ku dhistaan”, ayuu yiri afhayeenka ciidamada danab.

Afhayeenka Ciidanka danab oo hadalkiisa sii wataa yaa intaasi ku daray in shalay iyo Xalay ay jiraan Howgallo ay ka sameeyeen deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo looga sifeynayay Maleeshiyaadka Al-shabaab, haddaba Ciidanku gacanna waxay kula dirarayaan Cadowga Ummadda Soomaaliyeed, gacanna waxay ugu gargaarayaan Shacbigooda, marka howshu waa Howlgal dagaal iyo gargaar wada socda.

W.Q. C/laahi Ruush

Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Bilicda iyo Amniga Caasimadda

0

Abril 24, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la galay xilli roobaadkii.

Eng.Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda, gaar ahaan mulkiileyaasha goobaha ganacsiga in ay la shaqeeyaan hawla wadeennada Dawladda Hoose ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta bilicda iyo fayo dhawrka bulshada.

Sidoo kale, Shirka Tubta Gobolka waxaa lagu soo bandhigay dib u eegsita Xeerka Maareynta Qashinka, Looxa hawllaha Halbeegyada Tubta, Dhammeystirka Qalabka Electronic-ga ah ee Gobolka iyo wada shaqeynta Maamullada heer Degmo iyo Laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isla meel dhigay dardar gelinta ka qeyb qaadashada barnaamijka Isxilqaan ee dalka lagu dhisayo, iyagoona uga mahadceliyey qeybaha bulshada doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, dayactirka iyo biliceynta Gobolka.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

 

Maamulka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

0

Muqdisho (SNTV) Kulan looga hadlayay dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uuna soo qaban qaabiyay Xafiiska maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda ayaaa lagu qabtay Muqdisho,waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaa.

Intii uu socday kulankaasi ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo fekrado ku aadan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya xoojinta iyo dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda,iyadoo laga duulayo hannaanka shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaatay waajibaadka shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha,iyadoona lagu soo bandhigay habka xaadirinta suulka ee (finger-printing)  taasi oo hab casri ah,oo lagula socon doono xogta shaqaalaha .

Agaasimaha maamulka iyo maamliyadda ee wasaaradda mudane Guuleed Maxamed Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa shaqaalaha wasaraadda kula dardaarmay in qof walba oo shaqaaleka ah wasaaradda uu ilaaliyo waajibaadkiisa shaq, iyadoo isna la ilaalinayo xuquuqdiisa .

Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in dhamaan shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxaha wasaaraddda ee ka soo qayb galay madashan  ay si wadajir ah loogu adeego Qaranka.