Home Blog Page 959

Wasaaradda Gargaarka Oo Soo saartay Digniin Ku Aaddan Fatahaado Hor Leh

0

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka  Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saartay digniin ku saabsan fatahaado kale oo ka dhaca Dalka.

Digniintan ayay Wasaaraddu shaacisay markii ay soo baxday halis ah in ay dhici karaan fatahaado iyo daadad, iyadoo ay isa soo tarayaan khatar ah in degaannada koofurta Dalka ka mid ah ay ka da’ayaan Roobab uu cabbirkoodu ka sarreeyo 40  Mile mitir maanta iyo maalmaha xigaba.

Halkan hoose ka aqriso digniinta oo dhammaystiran:-

 

R/Wasaare XFS Mudane Xasan Cali Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Denmark “Sawiro”

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane; Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid Dalka.

Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Ladabada Dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib usoo kabashada Dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha Dowliga ah iyo qorshaha dib u qaabeynta iyo dedaalka ay ugu jirto la dagaallanka Argagaxisada iyo dhismaha mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee Labada Dowladood.

Bishii October ee Sannadkan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga Dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay Magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

 

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in Soomaaliya laga taageero xagga Tamarta

0

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta , Ahmed Aboul Gheit, ayaa ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka aha Jaamacadda Carabta iyo hay’adaha dhaqaalaha bixiye ee heer Gobolka in Soomaaliya laga taageero dhanka farsamada iyo Tamarta.

Ahmed Aboul Gheit, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la tababaro Dadka ka shaqaynaya howlaha farsamada iyo tamarta si kor loogu qaado xirfaddooda.

Xoghayaha ayaa ujeedka baaqiisa ku tilmaamay sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka xagga korontada ee haysta Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha, ahna Madaxa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Carabta, Kamaal Xasan Cali oo ku hadlayay Magaca Xoghayaha ayaa isaga oo ka qeyb galayay meertada 13-aad ee shirka Golaha Wasiirrada Tamarta Dowladaha Carabta wuxuu intaa ku daray in 40-ka Sano ee soo socda ay Mashaariicda xagga Tamartu gaari doonaan 45 Trillion, sida ku cad warbixinno Dowli ah oo uu kaaliyuhu soo bandhigay.

Wasaaradda Gargaarka Oo Sheegtay In Qorshaha Gargaarka Uu Sidii Loogu Talo Galay u socdo

0

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee la gaarsiinayo dadka Fatahaadaha waxyeeleeyeen ay sidii loo qorsheeyay u socdaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo Wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ka furatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne halkaas oo ah meesha ugu badan  uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabeelle.

Mukhtaar Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in Gargaar bilow ah la gaarsiiyay dadka qaarkood oo ay fatahaadu waxyeelo ku yeelatay.

Meelaha gargaarka la gaarsiiyey illaa haatan waxaa kamid ah magaalooyinka Beledweyne, Baardheere iyo Bardaale degmooyinkaas oo ah halka ay dadku guryahoodii ay ka barakicisay masiibada fatahaadda iyagoo wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah oo ay kamid yihiin cuno, raashiin iyo iyagoo u baahan meel ay ku hoydaan.

Dowladda Soomaaliya oo dhowaan bixineysa shatiyo Shidaal

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Dowladdu ay ku tala jirto Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil.

C/rashiid Maxamed oo Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrika ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay shirkado badani ku loollami doonaan qaadashada Shatiyadaasi.

Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda.

Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay Kooxahii Burcad Badeedda ahaa.

Weerar Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Thailand

0

Booliska dalka Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux  ku dhinteen weerar ay koox hubaysan ka geeysteen koonfurta dalkaasi.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in weerarka uu sigaar ah kaga dhacay fariisin ay ciidamada amaanku ku leeyihiin gobol kuyaala koonfurta dalka Thailand.

Wargayska Bangkok Post ayaa wariyay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux kuwaas oo 4 kamid ah ay ku geeriyoodeen isbitaal kuyaala dalkaasi.

Kooxda islaamiyiinta ee gooni goosadka ayaa tan iyo markii ay bilaabeen ololahooda sanadkii 2004’tii waxaa dhintay dad gaaraya 7,000 oo ruux.

Dadka Buuhoodle Oo Billaabay Deeq Aruurin Qeyb Ka Ah Samatabixinta & Gargaarka Fatahaaduhu

0

Dadka deegaanka ee magaalada Buuhoodle ayaa billaabay olole deeq aruurin ah taas oo loogu talo dadka Soomaaliyeed oo ay Waxyeelo ka soo gaareen fatahaadaha labada webiyo ee Shabeele iyo Jubba iyo roobabka xilligan oo isbiirsaday.

Ururka Talo-doon oo ka dhisan Magalada Buuhoodle ayaa ku dhaqaaqay ololahan oo qeyb ka ah in dadka deegaankaasi ku dhaqan ay gacan ka geystaan kaalmada deeqaha loo aruurinayo dad ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan webiga Shabelle ee magalada Beledweyne.

Dhanllinyaro badan oo si iskood ah isku soo abuulay ayaa lagu arkayaa bartamaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Sanaag.

Howshan oo sida lagu soo waramayo ka billaabatay goobaha ganacsiga, xarumaha waa weyn ee shirkaha iyo Guryaha qoysasku ay daganyihiin halkaasoo kooxo dhalinyaro ahi la sheegay in ay ka bilaabeen aruurinta deeq ay ugu talo galeen in ay kaga qeyb qaataan si ay gacan uga geystaan samatabixinta qoysaska ay barakiciyeen fatahaadaha ka dhashay webiga Shabeele uu ku sameeyeeyay dhowaan gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gargaarka oo sheegtay in sidii loogu talo galay ay u socdaal howlaha gurmadka

0

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo Dadka ay Fatahaaddu saameysay ay si wanaagsan u socdaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka,Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ay ka furatay Magaalada Baledweyne, halkaas oo ah meesha ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay Webiga Shabeelle.

Agaasimaha guud ayaa sheegay in Dadka qaar, la gaarsiiyay gar-gaar billow ah, iyadoo loo eegayo meelaha ugu daran, isla markaana ya howluhu u socdaan sidii loogu talo galay.

Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa kamid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale, Degmooyinkaas oo Dadkii ku noolaa ay intooda badan isaga barakaceen.

Qof La Hadal Hayo In Laga Heli Karo Sirta Ururka IS Oo Lagu Qabtay Waqooyiga Siiriya

0

Ciidamada dalka Turkiga oo howlgal ka fuliyay Waqooyiga dalka Siiriya ayaa gacanta ku soo dhigey haweeney ay walaalo ahaayeen hogaamiyhii khilaafada Islaamka ee la diley Abu bakar Al Baqdadi oo la rumeysan yahay inay hayso sir badan.

Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in haweeneyda oo 65 sano jir ah laguna magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz, xarigeeduna uu fa’iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS.

Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.

Geeridiisa waxaa guulweyn ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse dadka hadalkiisa ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in ururka IS uu weli yahay halis amni oo ka tagan Suuriya iyo daafaha caalamka.

Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xarigga Baqdaadi walaashii ka weyn uu “gacan ka geysan karo in la ogaado shaqada gudaha ee ururka la baxay Khilaafada Islaamka”.

Baqdaadi waxaa la dhalatay shan nin iyo dhowr gabdhood, mana cadda ay dhammaan ay weli nool yihiin, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

Haweeneyda waxaa laga qabtay gobolka Xalab oo inta badan uu Turkiga maamulo, halkaas oo ay ku qabsadeen howlgal militari oo bishii la soo dhaafay ay sameeyeen ciidamada Turkiga.

Rasmiya Awad waxaa laga helay gaari wayn oo ay ku dhex noolayd. Waxaa la degganaa seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur ah, sida saraakiisha Turkiga ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.

Waxay tilmaameen in su’alo laga weydiiyay shakiga laga qabo iyada ee ah in ay koox xagjir ah ka mid tahay.

Madaxda Turkiga waxay sheegayaan in Rasmiya ay noqon karto “qof sir badan oo muhiim ah haysa”.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa 27-kii October ku dhawaaqay dhimashada hoggamiyihii ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

AL Baqdaadi wuxuu qarxiyay jakad bam oo u xirnayd ka dib markii uu dhex galay kanaal oo uu kaga baxsanayay ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday gurigiisii ku yaalay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida uu sheegay Trump.

Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Diyaarad Shixnad Gargaar Sidday Gaarsiisay Magaalada Baardheere. ‘SAWIRRO’

0

Diyaaraddii ugu horeysay oo siday Gargaar loogu talo galay dadkii ay Fatahaada sameeyeen ayaa Maanta gaartay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gado.

Diyaaradan ayaa siday gargaar ka kooban Daawooyin, Maro kaneecooyin, Teendhooyin, bustoyaal iyo agabyo kala duwan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talo gashay gargaarka dadka ay fatahaadu Saameeysay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isku xil-qaamay gurmadka dadka ay fatahaada saameeyeen gudaha gobolada dalka oo uu ugu horeeyo Gobolka Hiiraan oo magaalada Beledweyne halkaasoo ay ku barakaceen dad farabadan waxaana la gaarsiiyay gargaar kala duwan.