Hay’adda IMF oo soo dhaweysay horumarka qorshaha deyn dhaafka Soomaaliya.

Date:

War-saxaafadeed ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayay ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo.

Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya.

“Maanta, Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha  kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tiri,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda.

Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xiriirka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC).

“Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha  si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP).

Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta.

Waxanay sheegtay in ay filayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sii wadaan habaynta dhaqaalaha, taas oo caawin karta furista Il-dhaqaale oo uu Dalku ku gaaro horumar ballaaran iyo in la yareeyo sabool-nimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...