Ciidamada XDS oo ka hortagay weerar ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen degmada Balcad.

Date:

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Shabaab ayaa waaberigii saaka isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan fariisin ay ciidamada XDS ku leeyihiin galbeedka magaalada Balcad, hase yeeshee ciidamada ayaa u lilib dhigay islamarkaana fashiliyay weerarkaasi.

Ciidamada XDS oo ka warhelay una diyaargaroobay weerarkaasi ayaa dilay tiro ka tirsanayd maleeshiyaadkii soo weerar tagay, iyadoo ay ciidamadu halkaasi ku furteen saanad iyo hub farabadan sida ay ku warameen dad beeraley oo halkaasi ka dhawaa.

Maleeshiyaadka argagixisada ah ee banneeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah islamarkaana dhac iyo boob ku haya hantida dadka ku dhaqan deegaannada ay dalka kaga harsanyihiin ayaa marar badan ku fashilmay isku dayo noocan oo kale ah oo ay ku doonayeen in ay ku soo weeraraan fariisimaha ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...