Ciidamada XDS oo ka hortagay weerar ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen degmada Balcad.

Date:

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Shabaab ayaa waaberigii saaka isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan fariisin ay ciidamada XDS ku leeyihiin galbeedka magaalada Balcad, hase yeeshee ciidamada ayaa u lilib dhigay islamarkaana fashiliyay weerarkaasi.

Ciidamada XDS oo ka warhelay una diyaargaroobay weerarkaasi ayaa dilay tiro ka tirsanayd maleeshiyaadkii soo weerar tagay, iyadoo ay ciidamadu halkaasi ku furteen saanad iyo hub farabadan sida ay ku warameen dad beeraley oo halkaasi ka dhawaa.

Maleeshiyaadka argagixisada ah ee banneeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah islamarkaana dhac iyo boob ku haya hantida dadka ku dhaqan deegaannada ay dalka kaga harsanyihiin ayaa marar badan ku fashilmay isku dayo noocan oo kale ah oo ay ku doonayeen in ay ku soo weeraraan fariisimaha ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...